Skip to content

Ogeysiiska Habraacyada Asturnaanta Daryeelka Caafimaadka

 

OGEYSIISKAN WAXA UU SHARRAXAAYA SIDA MACLUUMAADKA CAAFIMAADKA EE ADIGA KUGU SAABSAN LOO ISTICMAALI KARO OO LOO SHAACIN KARO IYO SIDA AAD KU HELI KARTO MACLUUMAADKAAN. FADALN SI TAXADAR LEH DIB UGU EEG. ASTURNAANTA MACLUUMAADKAAGA CAAFIMAAD MUHIIM AYUU INOO YAHAY. 

Maajo 6, 2021 ayay ahayd markii ugu dambeysay ee warbixintan la cusbooneysiiyey
 

Waxaa sharciga federaalka iyo kan gobolkaba nooga baahan yahay in aan u ilaalino asturnaanta macluumaadkaaga caafimaadka. Waxaa sidoo kale na looga baahan yahay inaan ku siinno Ogeysiiskan ku saabsan habraacyadeenna asturnaanta, waajibaadkayaga sharciga ah iyo xuquuqahaaga khuseeya macluumaadkaaga caafimaadka. Waa in aanu u hogaansannaa habraacyada asturnaanta ee lagu qeexay Ogeysiiskan inta uu shaqeynaayo. Ogeysiiskani wuxuu dhaqan galayaa Maajo 6, 2021 wuxuuna sii jirayaa ilaa aan beddelayno. Waxaan wakhti kasta xaq u leenahay inaan bedelno habraacyadeenna asturnaanta iyo shuruudaha Ogeysiiskan, waase haddii isbeddelada noocaas ah uu oggol yahay sharciga lagu dabaqi karo. Waxaan xaq u leenahay inaan isbedel ku sameyno habraacyadeenna asturnaanta iyo shuruudaha cusub ee Ogeysiiskayaga oo u dhaqan galayo dhammaan macluumaadka caafimaad ee aan ilaalinno, oo ay ku jiraan macluumaadka caafimaadka ee aan innaga sameynay ama helnay ka hor inta aanan samaynin isbeddellada. Ka hor inta aynan wax weyn ka baddelin habraacyadeenna asturnaanta, waxaanu bedeli doonaa Ogeysiiskan oo aanu ka dhigi Ogeysiiska cusub mid la heli karo marka la codsado. Si aad u hesho macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan habraacyadeena asturnaanta ama koobiyo dheeraad oo Ogeysiiskani ah, fadlan nala soo xidhiidh.

 

ISTICMAALKA IYO SHAACINTA MACLUUMAADKA CAAFIMAADKA
 
Waxaan u isticmaalnaa oo aan bixinnaa macluumaadka caafimaad ee adiga kugu saabsan daawaynta, lacag bixinta iyo hawlaha daryeelka caafimaadka. Tusaale ahaan: 

Daaweynta: Waxaa laga yaabaa inaan u isticmaalno ama aanu macluumaadkaaga siinno caafimaad dhakhtar ama bixiye kale oo daryeel caafimaad oo adiga ku siinaya daaweyn.

Lacag bixinta: Waxaa laga yaabaa inaan isticmaalno oo aan shaacinno xogtaada caafimaadka si aan lacag ugu helno adeegyada aan ku siinno adiga. 

Howlaha Daryeelka Caafimaadka: Waxaa laga yaabaa inaan u isticmaalno oo aanu macluumaadkaaga caafimaad u shaacinno waxyaabo la xidhiidha hawlaheenna daryeelka caafimaad. Hawlaheena daryeel caafimaad waxaa ka mid ah qiimeynta tayada iyo kor u qaadidda howlaha, dib u eegista tayada ama shahaadooyinka xirfadlayaasha daryeelka caafimaad, qiimeynta dhakhaatiirta iyo waxqabadka adeeg bixiyaha, qabashada barnaamijyada tababarka, aqoonsiga, shahaado bixinta, shatiyaynta ama hawlaha aqoonsiga.

Howlwadeenadeenna Cilmi-baarista: Waxaa laga yaabaa inaan macluumaadkaaga la wadaagno howlwadeenadeenna cilmi-baarista si aan u sameyno cilmi-baaris la xidhiidha caafimaadka sida sharcigu oggol yahay; kaas oo u baahan kara inaan helno oggolaanshaaga iyo ansixintaada oo qoraal ah oo gooni ah. Macluumaadka la wadaagayo magac kuma qornaan doonaan, ilaa si kale loo qeexo mooyaane, waxaana loo isticmaali doonaa dheefaha mustaqbalka ee daryeelka iyo helitaanka adeegyada ilmo iska soo rididda.

Oggolaanshahaaga: Marka laga soo tago u isticmaalka xogtaada caafimaad ee la xidhiidha adeegyada daawaynta, lacag bixinta ama hawlaha daryeelka caafimaadka, waxaad na siin kartaa ogolaansho qoraal ah si aan u isticmaalno macluumaadkaaga caafimaad ama aanu la wadaagno qof kasta iyo ujeeddo kasta. Haddii aad na siiso oggolaansho, waxaad taasi kaga noqon kartaa qoraal ahaan wakhti kasta. Ka noqoshadaadu oggolaanshaha ma saamayn doonto isticmaal kasta ama shaacin kasta oo dhacay ka hor wakhtiga ka noqoshada oggolaanshahaaga. Ilaa aad na siiso oggolaansho qoraal ah mooyaane, ma isticmaali karno ama shaacin karno macluumaadkaaga caafimaad sabab kasta marka laga reebo kuwa lagu qeexay Ogeysiiskan mooyaane.

Ku socoto Qoyskaaga Iyo Saaxibadaada: Waa inaan macluumaadkaaga caafimaad ku siinno adiga, sida lagu qeexay qaybta Xuquuqda Bukaanka ee Ogeysiiskan. Ma la wadaagno xogtaada caafimaadka xubnaha qoyskaaga ilaa aad adigu qoraal ahaan ku ogolaato.

Shakhsiyaadka Ku Luh Leh Daryeelka: Haddii ay dhacdo xaalad miyr beel ama xaalad degdega ah, waxaanu shaacin doonnaa macluumaadka caafimaadka iyadoo lagu salaynayo go’aan annagoo adeegsanayna go’aankayaga xirfada leh oo shaaca ka qaadaya kaliya macluumaadka caafimaadka ee sida tooska ah u khuseeya lahaanshaha shakhsiga bixinaya daryeelkaaga caafimaadka.

Suuqgeynta Adeegyada Caafimaadka La Xidhiidha: Uma isticmaali doono macluumaadkaaga caafimaadka waxyaabo la xidhiidho adeegyo suuqgeyneed.

Sida Sharciga U baahan yahay: Waxaa laga yaabaa inaan isticmaalno ama bixino macluumaadkaaga caafimaad marka sharcigu na amraayo. Tani waxaa ka mid ah warbixinnada ilmo soo rididda ama joojinta oo ay dowladda rabto.

Xadgudubka ama Dayaca: Waxa laga yaabaa in aanu macluumaadkaaga caafimaad siinno masuuliyiinta ku haboon haddii aanu si macquul ah u aaminsannahay in aad tahay dhibbane lagu xad-gudbay, wajahay xaalad dayacaad ah, ama rabshad guri ama in aad dhibbane u tahay dembiyo kale ah. Waxa laga yaabaa inaanu u shaacinno macluumaadkaaga caafimaad ilaa xadka lagama maarmaanka ah si looga hortago khatar halis ah oo ku wajahan caafimaadkaaga ama badqabkaaga ama caafimaadka ama badqabka dadka kale.

Amniga Qaranka: Waxaa laga yaabaa in xaaladaha qaarkood aanu mas’uuliyiinta militariga la wadaagno macluumaadka caafimaadka ee shaqaalaha Ciidamada Qalabka sida. Waxaa laga yaabaa inaanu saraakiisha federaalka ee oggolaanshaha haysto la wadaagno xogta caafimaadka looga baahan yahay sirta sharciga ah, sirdoonka, iyo hawlaha kale ee amniga qaranka. Waxaa laga yaabaa inaanu xaaladaha qaarkood la wadaagno machadyada asluubta ama saraakiisha sharci fulinta ee si sharci u haysto ilaalinta macluumaadka caafimaadka ee maxaabiista ama bukaannada. 

Xusuusinta Ballanta: Waxa laga yaabaa in aanu kula soo xidhiidhno si aanu kuugu soo dirno farriimaha xasuusinta ballanta oo qoraal iyo iimayl ahaan ah.

 

XUQUUQAHA BUKAANKA

Helitaanka: Waxaad xaq u leedahay inaad eegto ama hesho koobiyo ka mid macluumaadkaaga caafimaad, iyadoo leh xaddidaad kooban. Waxaad codsan kartaa in aan koobiyada kugu siinno qaab aan ahayn koobiyo dhijitaal ah. Waxaanu isticmaali doonaa qaabka aad codsato ilaa aynan awoodin inaa sidaa sameyno. Waa inaad qoraal ku codsatid si aad u hesho macluumaadkaaga caafimaad. Waxaa laga yaabaa inaad hesho foom aad ku codsato helitaanka macluumaadkaaga caafimaad adigoo soo qaraacayo taleefoonka ama isticmaalaya linkiga Nala soo Xidhiidh ee ku jira websaydkayaga. Haddii aad codsato qaab kale, waxaanu kugu soo dallici doonaa kharash ku aadan ku bixinta macluumaadkaaga caafimaadka ee qaabkaas. 

La socoshada Shaacinnada: Waxaad xaq u leedahay inaad hesho liis muujiyana mararka aanu shaacinnay macluumaadkaaga caafimaadka ujeedooyin aan ka ahayn daawaynta, lacag bixinta, hawlaha daryeelka caafimaadka iyo hawlo kale oo gaar ah 3-dii sano ee la soo dhaafay. Haddii aad codsato dabagalkan ama la socoshadan in ka badan hal mar muddo 12 bilood ah, waxa laga yaabaa in aanu kugu soo dalacno kharash macquul ah oo ku aadan ka jawaabista codsiyadan dheeraadka ah. 

Xaddidaada: Waxa aad xaq u leedahay in aad codsato in aanu saarno xaddidaadyo dheeraad ah isticmaalkeenna ama shaacinta macluumaadkaaga caafimaad. Waxaa na looga baahan yahya in aan aqbalno xaddidaadahan dheeriga ah, laakiin haddii aanu sidaasi samayno, waxaan u hoggaansami doonnaa heshiiskayaga (marka laga reebo xaalad degdeg ah).

Hababka Kale ee Wada-xidhiidheed: Waxa aad xaq u leedahay in aad codsato in aanu kuula wadaagno macluumaadkaaga caafimaad habab kale ama goobo kale. (Waa inaad codsigaaga hab ah qoraal kuso gudbisaa.) Codsigaagu waa inuu caddeeyaa habka kale ama goobta, oo aad bixisa sharraxaad lagu qanci karo sida lacag-bixinnada loogu maarayn doono hab kale ama goobta aad codsato. 

Wax ka beddelka: Waxaad xaq u leedahay inaad codsato inaan wax ka bedelno macluumaadkaaga caafimaad. (Codsigaagu waa in uu ahaadaa qaab qoraal ah, waana inuu sharraxaa sababta macluumaadka loo baddelayo.) Waxaa laga yaabaa in xaaladaha qaarkood aanu diidno codsigaaga. 

Su’aalaha iyo Cabashooyinka: Haddii aad rabto macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan habraacyadeenna asturnaanta ama aad qabto su’aalo ama walaac, fadlan nala soo xidhiidh. 

Haddii aad ka walaacsan tahay in aanu ku xad-gudbaynay xuquuqahaaga asturnaanta ah, ama aadan ku raacsanayn go’aanka aanu ka gaadhnay helitaanka macluumaadkaaga caafimaad ama ka jawaabista codsiga aad samaysay si aad wax uga beddesho ama u xaddiddo isticmaalka ama shaacinta macluumaadkaaga caafimaadka ama in aan kugula soo xidhiidhno habab kale ama meelo kale, waxaad cabasho qoraal ah u diri kartaa xafiiskayaga ama Waaxda Caafimaadka iyo Adeegyada Aadanaha ee Maraykanka, Xafiiska Xuquuqda Madaniga ah (U.S. Department of Health and Human Services, Office of Civil Rights). Ma samayn doono wax aargoosi ah oo la xidhiidha so gudbinta cabashada.