Skip to content

Asturnaanta

OGAYSIISKA ASTURNAANTA

Waxaa la cusboonaysiiyay Markii Ugu dambeeysay Juun 11, 2021

Waad ku mahadsan tahay inaad xulatay inaad adeegyo ka hesho IGH PLLC, oo ku howlgasho magaca Abortion on Demand ama AOD (“Abortion on Demand”, “AOD”, “annaga”, “innaga”, “keenna”). Waxaa naga go’an inaan ilaalinno macluumaadkaaga gaarka ah iyo xuquuqdaada aad u leedahay asturnaanta. Haddii aad qabto wax su’aalo ah ama walaac oo ku saabsan ogeysiiskan asturnaanta xogta, ama dhaqamadayada ku saabsan macluumaadkaaga shakhsiyeed, fadlan nagala soo xiriir barta info@stg-aodabortionondemand-staging.kinsta.cloud.

Marka aad booqato websaydkayaga https://abortionondemand.org (“Websaydka”), iyo guud ahaan, adeegso mid ka mid ah adeegyadeenna (“Adeegyada”, oo ee ku jira Websaydka), waxaanu qadarinaynaa inaad nagu aamintay macluumaadkaaga shaqsi ahaaneed. Ogeysiiskani asturnaanta waxaan kuu la wadaageynaa in aan kuu sharraxno sida ugu macquulsan macluumaadka aan ku uruurinno, sida aan u isticmaalno macluumaadka iyo wixi xuquuq ee aad ku leedahay. Haddii ay jiraan wax shuruudo ah oo ku jira ogaysiiskan asturnaanta xogta oo aadan nagu raacsanayn, fadlan jooji isticmaalka Adeegyadayadeenna isla markaaba. 

Ogeysiiskan asturnaanta xogta wuxuu quseeyaa dhammaan macluumaadka lagu soo uruuriyo Adeegyadayada (kaaso, sida kor lagu sharaxay, ku jira Websaydhkeenna), iyo sidoo kale, adeeg kasta oo la xiriira.

Waxaan uruurineynaa macluumaadka shaqsiyeed ee aad na siiso marka aad isticmaaleyso Websaydhkeenna ama aad ka qeyb qaadato adeegyadayada. Macluumaadka shakhsi ahaaneed ee aan ururinno waxay ku xiran tahay macnaha guud ee isdhexgalkaaga annaga iyo Websaydhka iyo xulashooyinka aad sameyso. Macluumaadka gaarka ah ee aan ururinno waxaa ku jiri kara kuwa soo socda:

Macluumaadka shakhsiyeed ee aad bixisay. Waxaan ururinnaa magacyo; lambarrada telefoonka; cinwaannada iimaylka; cinwaannada boostada; taariikh caafimaad oo xaddidan iyo macluumaadka shakhsiyeed ee kale ee la midka ah. Dhammaan macluumaadka shakhsi ahaaneed ee aad na siiso waa in ay yihiin kuwo run ah, dhamaystiran oo sax ah, waana inaad nagu soo wargelisaa isbeddel kasta oo ku yimaada macluumaadka shakhsi ahaaneed.

Macluumaadka si toos ah ayaa loo ururiyaa. Waxaan si toos ah u ururinnaa macluumaadka qaarkood marka aad booqato, isticmaasho ama dhex socoto Websaydhka. Macluumaadkani ma muujinayo aqoonsigaaga gaarka ah laakiin waxaa ku jiri kara macluumaadka aaladda aad isticmaaleyso iyo macluumaadka isticmaalka, sida cinwaankaaga IP-ga, biraawsarkaaga iyo astaamaha aaladda, nidaamka hawlgalka, dookhyada luqadda, URL-yada tixraaca, magaca aaladda, goobta, macluumaadka ku saabsan sida iyo goorta aad isticmaalayso Websaydhkeenna iyo macluumaad kale oo farsamo. Tani waa macluumaadka loo baahan yahay si loo ilaaliyo amniga iyo hawlgalka Websaydhkeenna, iyo falanqaynta gudaha iyo ujeeddooyinka ka warbixinta. 

Macluumaadka aan uruurineyno waxaa ka mid ah:

Macluumaadka diiwaanka iyo isticmaalka, taas oo la xiriirta adeegga, baaritaanka, isticmaalka iyo xogta waxqabadka server-ka si toos ah ayey u ururiyaan markaad gasho ama isticmaasho Websaydhkeenna oo laga yaabo inaan ku duubno faylasha diiwaanka. Iyada oo ay ku xidhan sida aad ula falgashay weybsaydhka, xogtan diiwaanka waxa ay ku jiri kara cinwaankaaga IP-ga, macluumaadka qalabka, nooca browser-ka iyo settings-ka iyo macluumaadka ku saabsan hawshaada aad ka qabatay Websaydhka (sida diiwangalinta wakhtiga ee la xidhiidha isticmaalkaaga, boggaga iyo faylasha la fiiriyay, baadhitaannada la sameeyay iyo talaabooyinka kale ee aad qaado), macluumaadka dhacdada aaladda (sida waxqabadka nidaamka, warbixinnada khaladka iyo settings-ka qalabka gudaha. 

Xogta Aaladda, taas oo ah macluumaadka ku saabsan kombiyuutarkaaga, taleefankaaga, tablet-kaaga ama aaladaha kale ee aad isticmaasho si aad u isticmaasho Websaydhka. Iyada oo ku xidhan aaladda la isticmaalay, xogta aaladan waxa ku jiri kara macluumaadka sida cinwaankaaga IP-ga (ama server-ka isku xiraha), aaladda iyo lambarrada aqoonsiga codsiga, goobta, nooca browser-ka, nooca qalabka gudaha iyo bixiyaha adeegga Internetka iyo/ama sidaha moobilka, nidaamka hawlgalka iyo nidaamka macluumaadka qaabeynta.

Xogta Goobta sida macluumaadka ku saabsan goobta aaladaada, kaas oo noqon kara mid faahfaahsan ama aan faahfaahsanayn. Inta ay la eg tahay macluumaadka aan ururinno waxay ku xiran tahay nooca iyo setting-ka aaladda aad u isticmaasho gelitaanka Websaydhka. Waxaad ka noqoni kartaa inaad noo ogolaato inaan uruurinno macluumaadkan adiga oo diidaya helitaanka macluumaadka ama adiga oo xiraya settings-ka goobta qalabkaaga. Ogow si kastaba ha ahaatee, haddii aad doorato inaad ka baxdo, waxaa laga yaabaa inaadan awoodin inaad isticmaasho Adeegyada qaarkood ama waxaan dooran karnaa inaanan bixin Adeegyada si loo hubiyo u hoggaansanaanta sharciga ah ee sharciyada gobolka ee kala duwan.

 

Waxaan u isticmaalnaa macluumaadka gaarka ah ee laga soo uruuriyo websaydhkeenna si loo helo ujeeddooyin ku saabsan fidinta ganacsi iyo adeeg kala duwan. Waxaanu u habaynaynaa macluumaadkaaga khaaska ah ujeeddooyinkan anagoo ku tiirsanayna danahayada ganacsi ee sharciga ah, si aanu kula galno ama kula samayno heshiis adiga, ogolaanshahaaga, iyo/ama u hogaansanaanta waajibaadyadayada sharciga ah. Waxaan u isticmaalnaa macluumaadka ururinta:

Si aan u ilaalino adeegyadayada. Waxaa laga yaabaa inaan u isticmaalno macluumaadkaaga qayb ka mid ah dadaalladayada si aan ugu ilaalino websaydhkeenna si badbaado iyo ammaan ah (tusaale ahaan, la socodka iyo ka hortagga khiyaanada). 

Si loo dhaqan geliyo qodobada, shuruudaha iyo xeerarka ujeeddooyinka ganacsiga, ama inaan u hogaansano shuruudaha sharciga iyo sharciyeynta. 

Si looga jawaabo codsiyada sharciga ah loogana hortago waxyeelada. Haddii aan helno amar maxkamadeed ama codsi kale oo sharci ah waxa laga yaabaa inaan u baahannahay inaan baarno xogta aan hayno si aan u go’aamino sida looga jawaabayo. 

Si aad u fuliso oo aad u maamusho dalabyadaada, lacag-bixintaada iyo lacag-celinta la sameeyey iyadoo loo marayo Websaydhka. 

Si loo gaarsiiyo loona fududeeyo gaarsiinta adeegsadaha. Waxaa laga yaabaa inaan u isticmaalno macluumaadkaaga si aan kuu siinno adeegga la codsado.

Si aad uga jawaabno su’aalaha isticmaaluha/si aan ugu fidino taageero isticmaalayaasha. Waxaa laga yaabaa inaan u isticmaalno macluumaadkaaga si aan uga jawaabno su’aalahaaga oo aan u xalinno wixii dhibaato ah ee suurtagalka ah ee ka dhalan karta isticmaalka Adeegyadayada. 

Ujeeddooyin kale ee ganacsi. Waxaa laga yaabaa inaan u isticmaalno macluumaadkaaga ujeeddooyin kale oo ganacsi, sida falanqaynta xogta, dib u eegista isbeddelada isticmaalka, iyo qiimaynta iyo hagaajinta websaydhkeenna iyo khibradaada. Waxa laga yaabaa in aan u isticmaalno oo ku kaydino xogtan qaab la isku daray iyo qaab qarsoodi ah si aanay ula xidhiidhin shakhsiyaadka oo aanay ku jirin macluumaadka shakhsiyeed. Ma isticmaali doono macluumaadka gaarka ah ee la aqoonsan karo iyada oo aan la helin ogolaanshahaaga kaas oo ka baxsan xaaladaha bixinta Adeegyada caafimaadka xadidan. 

Ma la wadaagi doono macluumaadkaaga suuqgeeyeyaasha. Hase yeeshee waxaan u habayn karnaa ama wadaagi karnaa xogtaada aan hayno innagoo ku saleyneyna sharciga soo socda:

Ogolaanshaha: Waxaa laga yaabaa inaan ka habeeyno xogtaada haddii aad na siisay ogolaansho gaar ah si aan ugu isticmaalno macluumaadkaaga khaaska ah ujeeddo gaar ah.

U hoggaansanaanta qandaraaska: Meelaha aan heshiis kaala galnay, waxa laga yaabaa in aanu wax uga qabanno macluumaadkaaga shakhsiyeed si aanu u buuxinno shuruudaha heshiiska, oo ay ku jiraan xaqiijinta aqoonsigaaga si aan si badbaado leh u bixinno Adeegyada caafimaadka.

Waajibaadka Sharciga: Waxaa laga yaabaa inaan ku shaacinno macluumaadkaaga halka na looga baahan yahay si sharci ah si aan ugu hogaansaanno sharciga khuseeya, shuruudaha ka warbixinta dhacdooyinka ilmo iska soo rididda ee dawlad-goboleedka, codsiyada dawladda, dacwad maxkamadeed, amar maxkamadeed, ama habraac sharci, sida ka jawaabista maxkamadda amar ama amar maxkamadeed (oo ay ku jirto ka jawaabista mas’uuliyiinta dadweynaha si ay ula kulmaan amniga qaranka ama shuruudaha fulinta sharciga).

Danaha muhiimka ah: Waxaa laga yaabaa inaan shaaca ka qaadno macluumaadkaaga halka aan aaminsanahay inay lagama maarmaan tahay in la baaro, laga hortago, ama laga qaado tallaabo ku saabsan ku xadgudubyada suurtagalka ah ee xeerarkeena, khiyaanada la tuhunsan yahay, xaaladaha ku lug leh khataraha suurtagalka ah ee amniga qof kasta iyo hawlaha sharci darrada ah, ama caddayn ahaan dacwadaha aan ku lugta leenahay. 

Shuraakada Ganacsiga: Waxaa laga yaabaa inaan macluumaadkaaga la wadaagno shuraakadayada ganacsiga si aan kuu siinno adeegyo gaar ah. 

Adeegyadayada waxa loogu talagalay oo keliya dadka ku nool meelo gaar ah oo Maraykanka ah. Server-yadeenu waxay ku yaalaan Maraykanka. Aagga Dhaqaalaha Yurub (EEA) ama Boqortooyada Midowday (UK) ayaa laga yaabaa inay lahaadaan sharciyo ilaalin xog oo dhammaystiran marka loo eego kuwa Maraykanka. Ma bixin karno Adeegyada caafimaadka dadka ka baxsan Maraykanka, laakiin si kastaba ha ahaatee waxaan qaadi doonaa dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si aan u ilaalino macluumaadkaaga shakhsi ahaaneed si waafaqsan ogeysiiska asturnaanta xogta iyo sharciga khuseeya.

Waxaanu hayn doonaa oo kaliya macluumaadkaaga khaaska ah ilaa iyo inta ay lagamamaarmaan u tahay ujeeddooyinka lagu sheegay ogaysiiskan asturnaanta, ilaa in uu wakhti dheer uu u baahdo sharcigu ma ogiye (sida shuruudaha kaydinta caafimaadka). Ma jirto ujeeddo ku jirta ogaysiiskan oo nooga baahan doona inaan macluumaadkaaga haynno in ka badan laba iyo toban sano.

Marka aynaan jirin baahi ganacsi oo sharci ah oo socota si loo habeeyo macluumaadkaaga shakhsi ahaneed, waanu tirtiri doonaa ama qarin doonaa macluumaadka noocaas ah, ama, haddii aanay taasi suurtogal ahayn (tusaale, sababtoo ah macluumaadkaaga waxa lagu kaydiyay qaybta diiwaanada kaydka ah), markaa waxaanu si ammaan ah u kaydin doonaa macluumaadkaaga khaaska ah oo waxaan ka ilaalini doonaa hadhimo kale oo kasta ilaa inta uu tirtiritaanku ay suurtogal ka noqonayso. 

Waxaan hirgelinay tillaabooyinka amniga ee farsamo iyo tillaabooyinka amaanka ururka ee habboon ee loogu talagalay in lagu ilaaliyo amniga xog kasta oo gaar ah oo aan farsameyno. Si kastaba ha ahaatee, inkasta oo aanu ilaalinayno iyo dedaalkayaga lagu xaqiijinayo macluumaadkaaga in uu ahaado mid nabdoon, ma jiro gudbinta elektaroonigga ah ee lagu gudbiyo internetka ama tignoolajiyada kaydinta macluumaadka kaas oo lagu dammaanad qaadi karo 100% in uu ammaan yahay, sidaa darteed ma ballan qaadi karno ama dammaanad qaadi karno in tuugada jabsada xogta intarneetka, dambiilayaasha internetka, ama qolo kale oo saddexaad oo aan la oggolayn in aaysan jabsani doonin sekuuritigeena qarsoodiga ah, oo aan si khaldan u ururini doonin, u gali doonin, u xadi doonin, ama wax uga beddeli doonin macluumaadkaaga, in taas dhacdo ma damaanad qaadi karno. In kasta oo aan ku dadaalno sidii aan u ilaalin lahayn macluumaadkaaga shakhsiyeed, gudbinta ama macluumaadkaaga shakhsiyeed ee la galinaayo lagana so bixinaayo Websaydhkeenna waa khatar adiga kuu gaar ah in aad u bareerto. Waa inaad kali ku isticmashaa websaydhka goob amaan ah oo kali ah. 

Anagu si bareer ah kama dalbanno xogta carruurta ka yar da’da 18 sano. Markaad isticmaalayso Website-ka, waxaad muujinaysa inaad tahay mid jiro ugu yaraan 18 sano. Haddii aan ogaano in macluumaadka shakhsiyeed ee isticmaalayaasha da’doodu ka yar tahay 18 sano laga soo ururiyay, waxaanu sameyn doonaa tillaabooyin macquul ah si aan isla markiiba xogtaas uga tirtirno diiwaannadayada. Si kastaba ha ahaatee waxaan u baahanahay inaan ilaalino macluumaadka lagu soo uruuriyay foomka diiwaan gelinta caafimaadka ee dadka raadinaya daryeelka ee aay da’doodu tahay 13 ilaa 18 sano si loo hubiyo u hoggaansanaanta sharciyada gobolka ee ilmo iska soo rididda iyo ka hortagga isku-dayga been abuurka ah ee lagu raadinayo daryeel ee carruurta aan qaan-gaari ee iman karta. Waxaan dib u eegi doonaa macluumaadkan waqti ka waqti waxaana aan ka tirtiri doonnaa diiwaannadayada marka aan loo baahnayn si loo hubiyo badbaadada carruurta aan qaan-gaarin. 

Marka laga reebo diiwaannada caafimaadka, waxaad geli kartaa, tirtiri kartaa ama cusbooneysiin kartaa macluumaadka shakhsiyeed ee aad ku bixisay websaydhkeenna adoo nagala soo xiriiraya barta info@stg-aodabortionondemand-staging.kinsta.cloud. Soo-booqdayaasha websaydhka ee aan rabin xogta booqashadooda in ay kaso muuqato Google Analytics-ka waxay rakibi karaan xog ku daraha Google Analytics qaybta ka reebista waxyaabaha biraawsarkaaga so qabtay ee aan la rabin. Xog ku daraha waxa uu farayaa Google Analytics JavaScript ee ka shaqeeya websaydhkeenna (iyo websaydhyada-ka kale) inay mamnuucaan u dirida macluumaadka Google Analytic-ka. 

Inta badan biraawsaryada websaydhyada iyo qaar ka mid ah nidaamyada hawlgalka mobaylada iyo ablikeeshanada moobilka waxaa ka mid ah astaanta qaybta Ha-Qabanin Xogta qaar (“DNT”) ee nidaminta setting-ka oo aad wax ka badeli karto si aad u muujiso dookhyada asturnaanta si aan loo hayn xogta ku saabsan hawlahaaga wax baadhista onlaynka ah ee lala socdo oo la ururiyo. Marka laga reebo xog ku daraha Google Analytics-ka, hadda kama jawaabno calaamadaha browserka DNT ama hab kasta oo kale oo si toos ah u sheegaya in doorashooyinkaaga inaan lagu ogaanin onlayn. 

Waa in aan ilaalino raadraaca goobta xaddidan haddii aad rabto inaad isticmaasho Adeegyadayada si aad ugu hoggaansanto sharciyada ilmo soo rididda ee gobolka. Waxaan xaq u leenahay inaan diidno Adeegyada isticmaalayaasha aan ka shakino inay isticmaalayaan server-ka isku xiraha ama VPN-ka (shabakaddaonlaynka ah ee asturan) iyada oo la isku dayaayo in lagu hareer maro sharciga gobolka.

Xeerka Madaniga ah ee California Qaybta 1798.83, oo sidoo kale loo yaqaan sharciga “Shine The Light”, waa in loo adeegsadaa isticmaalayaashayada maadaama aanan u siidayn macluumaadkaaga qolo saddexaad oo aan ahayn ujeedada bixinta daryeel caafimaad oo toos ah. 

Waxa laga yaabaa inaan cusboonaysiinno ogaysiiskan asturnaanta waqti ka waqti sida loo baahdo si aan ugu sii soconno u hoggaansanaanta sharciyada khuseeya. Nooca la cusboonaysiiyay waxa lagu tilmaami doonaa taariikhda “la cusboonaysiiyey”, nooca la cusboonaysiiyayna waxa uu dhaqan geli doonaa oo uu shaqayni doona sida ugu dhaqsaha badan ee lagu isticmaali karo. 

Haddii aad hayso su’aalo ama faallooyin ku saabsan ogeysiiskan waxaad noogu soo diri kartaa imayl ahaan info@stg-aodabortionondemand-staging.kinsta.cloud.

Xaaladaha qaarkood, waxaa laga yaabaa inaad xaq u leedahay inaad weydiisato marin u helka macluumaadka shakhsiyeed ee aan kaa ururinno, waxaad sidoo kale codsan kartaa inaad beddesho macluumaadkaas ama xitaa tirtirto haddii aad rabto. Si aad u codsato in dib loo eego, cusboonaysiiyo ama la tirtiro macluumaadkaaga shakhsiyeed, fadlan nagala soo xidhiidh info@stg-aodabortionondemand-staging.kinsta.cloud. Fadlan ogow si buuxda uma tirtiri karno macluumaadka caafimaadka maadaama dayactirka diiwaannada caafimaad ee dhamaystiran uu sharcigu u baahan yahay.