Waxaan nahay
Waxaan nahay koox dhakhaatiir ah, xirfadlayaal sare oo caafimaadka iyo shaqaale bixiya adeegyo taageero daryeel oo leh tobannaan sano oo waayo-aragnimo ka leh daryeelka ilmo iska soo rididda oo ku saleysan naxariis iyo dhammeystirnaan. Waxaynu ku hamminayna in aanu gaarno adduun aan adeegyada ilmo iska soo rididda ahayn mid la heli karo oo keliya, balse loo wada siman yahay.
Daawaynta ilmo iska soo rididda ee loo marayo boostada – waa hab degdeg ah, fudud oo habboon.
AOD waxay kaniiniyada ilmo iska soo rididda siisaa dadka u baahan sida ugu dhakhsaha badan ee suurtogalka ah. Anagoo hormuud u ah adeegyada ilmo iska soo rididda ee telemedicine-ka, shaqaalaheenna waxay leeyihiin guud ahaan in ka badan labaatan sano ku aadan adeegyada daryeelka ilmo soo rididda. Waxaan u adeegnaa gobollada ugu ballaadhan marka la eego bixiye kasta oo si sharci ah uga shaqeeyo gudaha Mareykanka.
U adeegida bukaannada, caawinta rugaha caafimaadka.
Waxaan ognahay in taageeridda habka gaaridda go’aanadda shakhsi-ahaaneed ay ka dhigan tahay taageeridda DHAMMAAN hababka ammanka ee ay dadka uurka leh u doortaan inay ilmo iska soo ridaan. Telemedicine waxay isticmaashaa tignoolajiyada uusan wali heli Karin qof kasta iyo goob kasta, sidaa darteed madasha AOD ayaa loo dhisay in ay taageerto rugaha caafimaadka ee bixiya adeegyada fool ka fool ka ah qof ahaaneed ee qabanaya shaqadan muqadaska ah.
Kooxdayada sii kordheysa ayaa leh khibrad iyo xidhiidh qoto dheer ah oo ku aadan shaqada, tababarka, iyo waxbaridda xarumaha caafimaadka ilmo iska soo rididda ee madaxa banaan. Si loo hubiyo in dadka uurka leh ay had iyo jeer helaan meel ay aadaan marka ay u baahan yihiin ama ay rabaan adeegyada daryeelka gudaha rugta caafimaadka, AOD ayaa lacago ku deeqda hindisaha Keep Our Clinics.
Waxaa nalagu sheegay warbaahinta!
Waxaad wax badan oo innaga nagu saabsan ka akhriyi kartaa maqaallada wararka ee u dambeeyay ee ku jira boggayga Bulshada.
"Waxay ahayd hab degdeg ah, jawaabo isla markiiba waan helay, waxay ahayd mid nafis leh oo asturnaan ah oo gurigayga gudahiisa ah, mana dareemin sida in aan maraayo hab daawayn caafimaad. Si aad ah baan ugu talinaaya adeegsan. Qof kasta oo aan la hadlay waxa uu ahaa mid wanaagsan oo naxariis badan oo taageero leh waxana uu habka oo dhan mid wanaagsan oo nafis leh. Aad ayaan u mahadnaqaaya! Mahadsanid!"
"Waxaad tani ka dhigtay hab nafis leh oo cajiib ah, waxayna iga dejisay walbahaarka oo haddii taageero degdeg ah heli lahayn qaadan lahaa muddo dhowr toddobaad ah.
Taasi waxay ahayd waayo-aragnimo cajiib ah oo farxad leh, runtiina aad ayaan uga mahad celinayaa taageeradiina iyo hagiddiina.
Mahadsanid mar labaad."
"Tani aad bay u fududayd! Waan ooyayaa. Tani waxay ahayd mid aad u fudud. Mahadsanid!”
"Waan jeclahay sababtoo ah wax ahayd mid gaar ah oo asturnaan leh oo dhexayso kaliya aniga iyo adeeg bixiyaha daryeelka ee la ii xilsaaray. Waanu ku qanacsanaa inaan la hadlo, oo ula sheegaysto iyada si daacadnimo iyo furfurnaan ku jirto. Waxaan ka helay sida aan u dareemay nasiino oo aan weydiiyo wax kasta oo aan u baahdo oo aan uga jawaabo dhammaan su'aalaheeda aniga oo aan wax dhib ah dareemayn. Waxay dareemeen raaxo iyo nasiino... La iima dayacin oo waxaan macluumaad badan ka helay websaydka iyo sidoo kale linkiyada anigoo helaaya fariimo qarsoodi ah haddii aan u baahdo tagageero dheeraad ah."
"Waad ku mahadsan tahay sida aad iga caawisay nidaamkan aan ka cabsi qabay. Waxaan dareemay daryeel, taageero joogta, iyo badbaado."
"Waxaad dhakhtarka kula hadashay habka wada sheekeysiga muuqaalka aragga ah. Waxay ahayd mid naxariis badan leh oo aad ii caawisay oo si faahfaahsan wax walbo u sharaxday. Waxaan tihiin dad aad u fiican oo aad waxtar u leh. Aad ayaan idinkaga mahadcelinayaa taageerada aad isiiseen. Waxaad in badan dhaafteen rajadii aan idinka filayey oo aan idinka qabay."
"War uma haysiin waxaad ii taarteen. Dhab ahaantii abaal weyn ayaad ii gasheen. Hadda waxaan noqday udoode."
"Anigoo ah qof aan weligii ka fikirin wax ku saabsan ilmo iska soo rididda lakin shalay unbay arrintan igu soo dhacday, tani waa wax cajiib ah! Waad ku mahadsan tahay sida aad adeeggan ii siisay wakhtiga aan u baahnaa."
"Dhab ahaantii dhakhtarku wuxuu ahaa mid xirfad sar leh wuxuuna iga jawaabay dhammaan su'aalahayga iyo walaacaha aan qabay. Hab wanaagsan oo aad ku heli karto daryeelka aad u baahan tahay oo leh jawi ammaan ah oo aan wax dhaliil ah lahayn"
"Waxay ahayd mid aad u habboon. Waxaan samayn karaa marka ay ku habboon tahay jadwalkayga iyo asturnaanta gurigayga... Tilmaamaha MD waxay ahaayeen kuwo aad u cad oo sahlan in la raaco. Si fiican oo waxtar leh ayay uga jawaabtay su'aalahaygii. Waxaa la igu wargeliyay inaan so wici karo xaruunta wakhti kasta haddii aan qabo wax su'aalo ama walaac kale. Waxa kale oo aan u riyaaqay sida ay ikhtiyaarkaas aan u heli karo wakhti kasta ha ahaate habeen/maalin."
"Mid ka mid ah adeegyada taageerada caafimaadka ee ugu fiican. Aad baad u mahadsantihiin!"
"[The doctor's] jawiga inta lagu guda jiro wicitaanku wuxuu ahaa mid lahaa taageero heer sare ah iyo jawi wanaagsan. Waxaan akhriyay maqaal ku saabsan adeeggeeda ka dib wicitaankayaga oo waxaanan dareemay in mahadnaq ku aadan in aan haysto dhakhtar aad u daneeya oo u heelan xuquuqda xubnaha taranka haweenka guud ahaan nolosheeda. Waxay habka ka dhigtay mid fudud oo xiiso leh oo maaha wax aad u weyn. Taasi waa waxan u jeclaaday."
"XAQIIQDII waxay ahaayeen kuwo cajiib ah. Waxaan dhameeyay sahan gaaban, u qoondeeyay xilliga wicitaanka muqaalka aragga ah subaxdii hore... sharaxay xaaladda oo dhan... waxaan bixiyay kharashaadka… Daawooyinka ayaa diyaar ah isla marka aan guriga imid. Dhakhtarku wuxuu ahaa mid aad u fiican, oo waxa uu isiiyay faahfaahin buuxdo waxayna ii soo direen macluumaad badan, oo ay ku jirto boodh fiican oo aan gidaarka ku dhejin karo haddii loo baahdo."
"Habka adeegga, asturnaanta, iyo badqabka ayaa ahaa mid aad u xiiso badan. Aniga iyo lamaanahaygii waxa noo suurta gashay in aanu wada bilawno oo aanu wada dhamayno safarkan oo xidhiidh wanaagsan bay dhexdeen ka abuurtay. Marka xigta waxaan diyaar u noqon doonaa inaanu sii wadano uurka oo aana soo xaaqin. Aad baad u mahadsan tihiin!"
"khibrad iyo aqoon aad u sare leh, kalsooni iyo raynrayn inta lagu gudajiro hawsha oo dhan… waxaa laguu muujinaaya qaddarin oo wax walba waxaa lagugu sharaxaya si qumman"
"AOD waa wax cusub oo hal-abuur leh oo waa wax lagu farxo xitaa in tani la heli karo... Sii wada shaqada aad haysaaan AOD! Waan jeclahay! Waan jeclahay wax walba oo ku saabsan AOD oo mar kale waan waan isticmaali doona adeegyadooda haddii aan u baahdo. Hab fudud oo waxtar leh."
"Waxaan jeclahay sida ay u fududahay, u qiimo jaban tahay oo ay degdega u tahay!"
"Dhakhtarka aan la hadlay intii aan ku guda jiray wicitaanka muuqaal aragga ah wuxuu ahaa mid naxariis leh oo wuxuuna ka jawaabay dhammaan su'aalahaygii... waxay ahayd dareen degan sida inaan la hadlaaya qof saaxiib ah. Waad ku mahadsan tahay wakhtiga, dadaalka, iyo agabka aad ku bixinayso samaynta iyo ilaalinta adeegyada sida AOD oo ay heli karaan haweenka. Waxaan la kulmay waayo-aragnimo wanaagsan, waana ku faraxsanahay go'aanka aan qaatay."
"Tani waa habka ugu fudud waana aamini kari waayay! Mahadsanid!”
"Waxaan awooday inaan caafimaadkayga daryeelo aniga oo joogo gurigayga. Intii aan ku jiray wicitaanka waxaan dareemay ammaan iyo soo dhawayn… Waxaan isticmaalka adeeggan onlaynka ay i dareensiiyay in aan xaaladan adag maarayn karo. Aad baad u mahadsantahay."
"Guud ahaan aragtidayda waa mid cajiib ah, waanan uga mahadcelinayaa adeeggan."
"Wax walba waxay u socdeen sidii lagu tilmaamay min bilow ilaa dhamaad... Waan uga mahadcelinayaa adeegan."
"Waxay ahayd mid aad u habboon, degdeg ah, waxaana dareemay inaan helay taageero badan oo ku aadan wax kasta oo aan u baahday... Waan jeclaaday tani oo waxaanan rajaynayaa inay noqoto mid dhammaan haweenka meel kasta jooga ay heli karaan."
"Waan ku riyaaqay wadahadalka aan la yeeshay dhakhtarka ka hor habka ilmo iska soo ridid iyo sida ay u ay ii siisay daryeel iyo sida ay xog-ogaal u ahayd. In kasta oo wicitaanka ka dhacaayay shaashadda kombuyuutarka, haddana waxaan dareemayay sida inay tahay DHAKHTARKAYGA gaarka oo I daryeeleesay aniga, jidhkayga, iyo maskaxdeyda inta aan ku jiray habka ilmo iska soo rididda.”
"Cajiib. 100+% waan ku talin lahaa."
"Waaya-aragnimada adeegga wuxuu ahaa mid aad uga wanaagsan sidii aan moodayay inay noqon karto. Dhaqtarku waxa uu ila dhaqmay si fudud oo degan. Waxa aan dareemay oo ila noqotay sidii in uu qof aan saaxiibo uu habkan samaynaayo. In aan awood u leeyahay in aan si fudud ballan uga qabsado taleefonka, aniga oo joogo gurigayga ayaa wax weyn ah."
"Habkani wuxuu ahaa mid aad u fudud oo wanaagsan. Waad ku mahadsan tahay wax walba oo aad sameyneyso."
"Xaajigayga ayaa awoodi u lahaa in uu sidoo kale ka soo qayb galo wicitaanka muuqaalka ah taas oo ah wax fiican waayo waxaan helay taageero dheeraad ah oo wuxuuna sidoo kale iga caawiyay in uu si wanaagsan u maqlo dhammaan macluumaadka dhakhtarku i siinayo. Waxaan dareemay in aan taageero wanaagsan ka helay shaqaalaha iyo guud ahaan shirkadda. Waxay ahayd waayo-aragnimo wanaagsan oo cajiib ah inkasta oo xaaladu ahayd mid adag. Waan ku faraxsanahay inaan helay adeegga AOD oo mar labaad waan isticmaali lahaa adeeggan ama waan kula talin lahaa saaxiibadayda ama xubin qoyska ka mid ah. Aad baad u mahadsantahihiin AOD!!"
La kulan kooxdayada ugu muhiimsan ee rugta caafimaadka
Jamie Phifer, MD
Agaasimaha Caafimaadka
Dr Phifer (iyadu/iyada) waa dhakhtar qoys oo shahaado haysato oo leh khibrad tano sano ah oo ku aadan daryeelka ilmo soo-ridid ee uurka. Waxay hore u soo noqotay Agaasime Caafimadka ee xarun caafimaad oo ka shaqaysa arrimaha ilma iska soo rididda oo fadhigeedu yahay Washington waxayna ku safartay guud ahaan Mareykanka oo dhan si ay u tababarto oo ay ula shaqeyso adeeg bixiyeyaasha daryeelka ilmo iska soo rididda ee rugaha caafimaadka ah, shaqadaas oo ay ka sii qabato gobolada Koonfurta iyo Galbeedka dhexe. Ka hor inta aan la bilaabin AOD, waxay la shaqeysay kooxda Natiijooyinka Cilmi-baarista iyo Tayada Kiliinikada ee shirkadda cusub oo bilaabaysa adeegyada telehealth halkaas oo ay ka dhistay borotokoolka iyo habraacyada telehealth ee daryeelka aasaasiga ah oo ah hab otomaatig oo qoraalka ku salaysan oo loogu talagalay maaraynta caafimaadka habdhaqanka iyo ka hortagga uurka. Waxay aaminsan tahay in adeegyada ilmo iska soo rididdu uu ahaado mid toos ah oo fudud iyo in la raaco shuruucdaha bukaanka. Marka aysan ku mashquulsanayn holwaha ilmo iska soo ridid, Dr Phifer waxay jeceshahay in ay booqato magaalooyinka cusub si ay u tijaabiso tayada biirkooda maxalliga ah iyo in ay eygeeda rabaayada ah barto waxyaabaha caadiga ah sida isticmaalka sariirta.
Leah Coplon CNM, MPH
Agaasimaha Hawlgallada Daryeelka Caafimaadka
Leah (iyadu/iyada) waa kalkaaliso- umuliso waxayna shaqadeeda oo dhan ku bixisay howlaha la xidhiidha caafimaadka taranka, shaqadeedii ugu horreysay ee kaaliyaha daryeelka caafimaadka ee Ururka Planned Parenthood; ka dib neh u shaqaysay sidii kalkaalisada foosha iyo umulinta ubadka iyo barida ardayda kalkaalinta; si ay u maamulaan rugta ilmo soo rididda oo madax-bannaan oo ku taala gobolkeeda ah. Iyada oo leh taarikh cilmi-baaris qoto dheer, waxay sidoo kale buug la qortay qoraa kale kaas oo ku saabsan borotokoolka adeeg siinta tooska ah ee bukaanada kaas oo la shaaciyay goor hore xilligi masiibada COVID ah -19 si ay uga caawiso dhakhaatiirta adeegyada bixinta daryeelka caafimaadka iyagoo isticmaalaya telehealth iyo sidoo kale daraasad cilmi-baaris oo baaxad weyn oo lagu sameeyay gudaha Mareykanka oo ka hadlaaya borotokoolkan. Leeah waxa ay aaminsantahay in sabab kasta oo uu qof u rabo in uu iska soo xaaqo uurka ay tahay sababta saxda ah oo aan qofna waligiis qasab ku ahaan in uu sharaxo ama uu cudur daaro ugu sameeyo go’aankiisa ku aadan haddii ama goorta uu rabo in uu ilma dhalo. Markay aysan tababarayn dhakhaatiirta ama aysan samaynayn cilmi baadhis ku aadan mowduucyada ilmo iska soo rididda, Leah waxay jeceshahay inay joogto xeebta, howlaha cunto karinta, iyo inay la joogto qoyskeeda.
Erin
Iskuduwaha Adeegyada Daryeelka Bukaanka
Erin (iyadu/iyada) waxay jeceshahay barashada dhammaan waxyaabaha la xidhiidha ilmo iska soo rididda ka dib markii ay wajahday waayo-aragnimo ilmo soo ridid oo gaar ah. Waxay ka sii shaqeysay rug caafimaad oo madax-banaan oo ku taala Pennsylvania iyadoo u shaqaynaysay sida u doodaha xuquuda iyada oo u shaqaynaysay sida turjubaan ahaan ee bukaanada ku hadla luuqadda Isbaanishka iyo taageeridda bukaanada inta ay ku jiraan safarrada ilmo soo rididda. Ma aha oo kaliya bukaanada in ay codka naxariista leh Erin ay maqlaan marka ay soo wacaan AOD xilliga saacada shaqada maalintii, waxay sidoo kale si toos ah ula shaqeysaa ururada maalgeeliyo adeegyada ilmo iska soo ridid ee maxaliga ah si ay u bixiso kaalmo dhaqaale waxayna isku dubaridaysaa gudbinta tooska ah ee kuwa u baahan daryeel dheeraad ah. Waxay aaminsan tahay in ilmo iska soo rididdu ay tahay xorriyad nololeed. Markay aysan ku mashquulsanayn taageeradda howlaha ilmo iska soo rididda, Erin waxay ku raaxaysataa howlaha cunto karinta, wax qorista, iyo ciyaarsiinta labadeeda bisadood.