Skip to content

Su'aalaha inta badan la isweydiiyo

Muddo Intee ayay qaadanaysaa? Wax xanuun miyaa ka imaan doona? Waa imisa qiimaheedu? Kummannaan bukaan ayaanu siinnay kaniinka ilmo iska soo rididda — waa kuwan qaar ka mid ah su’aalaha ugu waaweyn ee aan maqalno.

Two people leaning against a big question mark

Saadadka AOD

  • Waa imisa qiimaheedu?

    Kharashka $0-$389 waxa ku jira la tashi lala yeelanayo dhakhaatiirta guddiga ee shahaadada haysta, Xidhmada daawaynta habeen dhaxdiisa la diro, 24/7 adeegga wacitaanka, qoraallada daba-galka ah, baaritaanka uurka ka dib, iyo isuduwidda daryeelka ka dib haddii loo baahdo. Bukaannada soo sheega baahi dhaqaale, waxaan la xiriirnaa oo aan la kaashanaa deeq bixiyaal badan oo maxali ah oo ku deeqa dhaqaale lagu sameeynaayo ilmo soo rididda si aan u bixino adeegyo qiimahoodu la faragalini karo ama adeegyo bilaash ah. Dhammaan gobolada waxaan ku aqbalnaa kaararka deynta/debit-ka ee leh Visa, Mastercard, Discover, ama American Express logos. Bayaanadayada biilasha waxay xusaan “AOD”. Waxaanu u isticmaalnaa ciwaanka boostada ee lagugu siiyay wakhtiga diiwaangelinta – ma aha ciwaanka ku yaal kaadhka deynta – si aanu u dirno daawooyinka. Hubi boggayaga macluumaadka haddii aad u baahan tahay caawimo xagga maalgelinta ah. Ma bixin karno lacag celin ka dib marka xirmooyinka daawada la soo diro.

  • Ma aqbashaa caymis?

    Ma aqbalno caymiska caafimaadka gaarka ah ama kaararka HSA. Waxaan aqbalnaa Medicaid (Apple Health) gobolka Washington waxaana aan ka shaqaynaynaa inaan ku fidinno gobolada kale. Haddii aad u baahan tahay kaalmo dhaqaale hubi inaad sidaas na ogaysiisid xilliga isdiiwaangelintaada si aan kugu gudbino mid ka mid ah lacag bixiyaasha badan ee ka howlgala ilmo soo rididda ee aan la shaqayno.

  • Maxaad u socotaa kaliya 10 toddobaad?

    Daawaynta Ilmo iska soo rididda aad bay ammaan u tahay in aay qaadato ilaa 11 toddobaad, laakiin madalkeenna looma dhisin si loo maareeyo uurka in ka badan 10 toddobaad wakhtiga la diiwangalinaayo. Haddii aad u dhexeyso 10 iyo 11 toddobaad laga bilaabo xilligaagii ugu dambeeyay waxaad weli heli kartaa daawada ilmo soo rididda laakiin waa inay aay bixisaa bixiye kale. Fadlan eeg boggeena macluumaadka ee doorashooyinka kale. Isticmaal xisaabiyaha uurkaaga si aad si dhakhso leh u ogaatid inta aad uurka tahay.

  • Ma bixisaa adeegyo tarjumaad?

    Waxaan bixinnaa daryeel anaga oo isticmaaleyno Ingiriisi iyo Isbaanish dhammaan gobolada aan u adeegno. Waxaan awoodnaa inaan ku bixinno adeegyada turjumaadda dhammaan luqadaha gobolka Washington kaliya.

  • Maxaad u daryeeli weyday dadka da’doodu ka yar tahay 18 jir?

    Gobollada qaarkood waxay leeyihiin sharciyo adag oo ka dhan ah ilmo iska soo rididda dadka da’ada yar. Waxa kale oo jira shuruuc federaali ah oo ku saabsan da’da aay tahay in aad gaarto si aad u ogolaato lacag bixinta onlaynka ah. Waxaan rajeyneynaa inaan la shaqeyno bixiyaasha dhaqaalaha ilmo soo rididda si arrintan wax looga qabto mustaqbalka dhow.

  • Ma u baahan tahay aqoonsi?

    Haa. Gobolada qaarkood waxay leeyihiin sharciyo adag oo ka dhan ah ilmo iska soo rididda dadka da’ada yar. Markaa waxaan u baahannahay aqoonsi sawir leh oo sax ah oo leh taariikhda dhalashada haddii aad raadineyso daryeel. Noocyada aqoonsiga waxaa ka mid ah ruqsadda darawalnimada, kaararka aqoonsiga gobolka, aqoonsiga ciidamada, iyo baasaboorrada.

  • Maxaad ugu baahan tahay baaritaanka uurka?

    Uurku ma aha sababta kaliya ee aad ku seegto caadada. Ma rabno inaad waqti iyo lacag ku bixiso adeeggayaga haddii aadan dhab ahaantii uur lahayn. Haddii baaritaanka uurkaaga ee lagu qaaday guriga uu yahay mid in aad uur ahayn tilmaamayo waxaan ka codsanaynaa inaad la kulanto bixiye kale oo daryeel caafimaad si aad ugala hadasho sababaha kale ee laga yaabo inaad ku weydo caadada. Uma baahnno in aan aragno caddaynta muujnaysa in aad leedahay uur – waxaanu kaa codsaneynaa inaad baaritaan marto.

  • Macluumaadkaydu ma ammaan baa?

    Haa. Waxaan isticmaalnaa nidaamyo sugan oo buuxiya heerarka qarsoodiga ah ee federaalka iyo gobolka. Sharci ahaan macluumaadkaaga caafimaadkaaga looma wadaagi doono meel ka baxsan adeegayaga ilaa aad bixiso fasax ama aan u baahannahay inaan si toos ah daryeelkaaga ugu wareejino bixiye kale. Waxaan la shaqaynaa hawlgalayaasha cilmi-baarista si ay u qiimeeyaan xogta qarsoodiga ah iyo horumarinta helitaanka daawaynta ilmo soo rididda muddada dheer. Marna uma iibin doono xogtaada ujeedooyin suuqgeyneed.

  • Sidee ugu dhakhsaha badan ayaan u heli karaa ballan?

    Waxaan awoodnaa inaan ballan u qabanno bukaannada intooda badan isla maalintaas ama maalinta xigta. Dadka intooda badan waxay daawooyinkooda ka helaan albaabkooda 48 saacadood gudahooda markay soo gudbiyaan xogtooda caafimaad iyo in ka yar hal maalin markay dhammeeyaan fiidyowgooda ballan sameeysiga ah ee 15-ka daqiiqo ah. Si aad ballan u qabsato, ka dooro gobolkaaga qaybta homepage, dib u eeg macluumaadka ku saabsan gobolkaaga, oo dooro Schedule Visit (Jadwaleeyso Booqashada) marka aad diyaar u noqoto.

  • Ma inaan ku noolaado gobolka aan doortay?

    Maya, ma aha inaad degan tahay gobolka aad dooratay laakiin waxaad u baahan tahay inaad halkaas u joogto ballantaada. Software-kayaga ayaa xaqiijin doona inaad qof ahaan aad ku sugan tahay gobolka aad dooratay wakhtiga ballantaada muuqaalka ee la qorsheeyay. Gobolkani wuxuu u baahan yahay inuu la mid noqdo gobolka loo doortay baakidhka daawada ilmo soo rididda laguu soo diro boostada. Ma bixino daryeel ka baxsan gobolada gaarka ah ee aan ruqsada ka heeysano in aan ka shaqayno.

Waxa la filayaa

  • Sidee bay u eg tahay baakad qarsoodiga ah?

    Waxaan la shaqaynaa 3 boosto oo farmashiyo-dalbashada ah oo kala duwan oo ku yaala Maraykanka. Dhammaantood waxay noo soo rareen iyagoo isticmaalaya baqshadaha Fedex ee cad ama sanduuqyada Fedex ee yaryar  taas oo aay dire ahaan ugu qorantahay kali bilowga magaca farmashiyaha. Ma jirto wax tixraac ah oo ku saabsan “ilmo iska soo rididda”, “daawaynta”, “daawada qorista”, “farmashiyaha” ama xitaa “AOD” meel kasta oo baakadaha ah.

  • Miyaan fasax ka qaataa shaqada?

    Dad badan ayaa door bida inay dhawr maalmood fasax qaataan haddii ay ka shaqeeyaan shaqo qof ahaan laga shaqeeyo. Laakin caafimaad ahaan lagama maarmaan ma aha in aad fasax ka qaadato shaqada. Waxay la mid tahay xanuunka caadada culus ama dhicisitaanka hore.

  • Ma inaan guriga joogo si aan ilmahayga u soo riddo?

    Maya. Kaliya ogow dhiigbaxa iyo casiraad ugu badan waa maalinta ugu horeysa ka dib marka aad qaadatid daawooyinka. Waxaad u baahan doontaa inaad si fudud u hesho suufka waxyaabaha so dariso reebo iyo fursada aad marar badan iskaga badesho suufka ku xiran ee reebo waxyaabaha so dariso.

  • Midaas ma shaqaysaa?

    Ilmo soo rididda hore ee kaniiniyada lagu so rida ayaa in ka badan 98% waxtar leh. Waxaanu ku samaynaa dabagal hubin oo qoraal ah iyo tijaabada heerka uurka ee caafimaadka baakadahaaga si loo hubiyo inay shaqaynayso.

  • Dhibaato miyey leedahay?

    Ilmo soo rididda xaqiiqdii waxay noqon kartaa mid aan raaxo lahayn oo adag. Soo rididda dawooyinka lagu sameeyo waxay la mid tahay dhicisitaanka dabiiciga ah. Dadka intooda badan waxay ku tilmaamaan inay la mid tahay xanuunka caadada aadka u daran. Xirmooyinkayagu waxaa la socdaa daawoyinka xanuunka bararka ka hortagga ee qiyaasta sarreeya. Waa sharci darro in dawooyinka xanuunka baabi’iyaasha lagu soo diro boostada. Haddii aad ka welwelsan tahay dulqaadka xanuunka ee iska hooseeya ama aad zaaid u dareentid xanuunka, waxaa laga yaabaa inaad u baahato inaad tixgeliso daryeelka shakhsi ahaaneed ee habka ilmo soo rididda.

  • Immisa ayaan dhiigi bixi doonaa?

    Kala duwanaansho kasta oo khafiif ah iyo dhiigbax culus ah waa caadi waana la filayaa. Celcelis ahaan waxay socotaa ilaa 10 maalmood, laakiin tiro balaadhan oo ah 4 maalmood ilaa 4 todobaad ayaa caadi noqon kara. Waxay la mid tahay xilli dhexdhexaad ah oo leh qaybta ugu culus xanuunka maalmaha ugu horreeya.

  • Intee in le’eg ayay qaadataa in la helo kaniiniyada?

    Xirmooyinka ilmo iska soo rididda ee bukaannada ku habboon waxaa loo soo diraa Fedex Express habeenkii Isniinta-Jimcaha ku dhawaad 5 galabnimo sacada Bari. Waxaad heli doontaa iimayl leh lambarka raadraaca marka xirmada uu helo alaab-so qaadaha. Ma xakameyno arrimaha shaqada ama cimilada ee la xiriira u dhoofinta dalka oo dhan, waxaana jiri kara dib u dhacyo. Fadlan si toos ah ula xiriir shirkadda raritaanka haddii aad jeclaan lahayd warbixin dheeraad ah oo ku saabsan waqtiyada keenista.

  • Ka warran hadday xaalad degdeg ahi igu dhacdo?

    Ilmo soo rididda la adeegsado daawadu aad bay ammaan u tahay, xaaladaha degdegga ahna waa naadir ama waa kuwo mar dhif ah oo aalaa aan dhicin. Waxaan ku haynaa dhaktar aqoon buuxda leh oo shahaado haysta oo qaab wicitaan lagula so xiriiri karo haddii loo baahdo. Fadlan kala xiriir xaruntayada wicitaanka 24/7 sac oo ka wac lambarka taleefanka ku qoran xirmadaada. Haddii aad ku jirto xaalad caafimaad oo degdeg ah oo halis ah waa inaad wacdaa 911.

Booqashooyinka

  • Sideen ku helaa koobiga diiwaanka caafimaadkayga?

    Fadlan isticmaal foomkayaga Contact Us (Nagala Soo xiriir)  ee hoose si aad u codsato diiwaannada caafimaadka. Waxa aanu kula xiriiri doonaa talefan si aanu u xaqiijino aqoonsigaaga ka dibna waxa aanu kuu soo diri doonaa foom ogolaanshaha caafimaadka si aad si elektaroonik ah ugu saxeexdo una soo dirto.

  • Ballantii waan dhameeyay. Aaway xirmadaaydii daawadu?

    Xirmooyinka daawaynta waxaa lagu so diraa rarista habeenka bartamahiisaee ah Isniinta-Jimcaha qiyaastii 5 galabnimo sacada Bari. Fadlan hubi lambarka raadraaca ee lagu soo diray iimaylkaaga si aad u aragto meesha uu kaaga ku sugan yahay.

  • Ma qortaa daawada ka xakameynta uurka?

    Waxaan u diri karnaa warqadaha daawada farmashiyeyaasha noo dhow si lacag la’aan ah. Xor ayaad u tahay inaad waydiiso dhakhtarkaaga ku sugan booqashada fiidiyooga wixii su’aalo ah oo aad ka qabto ee ku saabsan xakameynta dhalmada. Waxaan ku faraxsanahay inaan bixino macluumaadka oo aan ka jawaabno su’aalaha ku saabsan hababka ka xakameynta uurka ee caadiga ah.

  • Maxaa dhacaya haddii aan beddelo go’aankayga?

    Adeegeena wuxuu u fiican yahay dadka huba go’aankooda. Haddii aadan hubin go’aankaaga soo idlaynta uurkaaga ama haddii aad rabto inaad kala hadasho la-taliye xulashooyinka kale, fadlan booqo boggeena macluumaadka. Haddii aad go’aansato inaadan rabin inaad isticmaasho adeegyadayada ka dib markaad qorsheeysato ballantaada, fadlan isticmaal xiriirka ku jira iimaylka xaqiijinta jadwalkaaga si aad u joojiso ballantaada. Haddii aad la hadasho dhakhtarkaaga oo aad bedesho go’aankaaga mar dambe, fadlan nagala soo xiriir telefoon. Ma samayn karno lacag celin ka dib marka baakadaha daawaynta lagu soo diro boostada. Haddii ilmo iska soo rididda lagu sameeyay dawada lagu soo diro boostada aysan ahayn ikhtiyaar badbaado leh adiga oo ku saleysan qiimeynta xirfadlaha ee dhaktarkaaga inta lagu jiro booqashadaada, waxaan bixin doonaa tixraacyo daryeelka rugta caafimaadka.

Su’aalaha Caafimaadka

  • Waa maxay mashiinka qaada sawirada gudaha jidhka?

    Mashiinka qaada sawirada gudaha jidhka waa mishiin isticmaala mowjadaha dhawaaqa si loo cabbiro uurkaaga, ilmo-galeenka iyo xubnaha kale ee gudaha. Haddii lagu adeegsani lahaa mashiinka qaada sawirada gudaha jidhka uurkan waxa laguu soo sheegi lahaa iyadoo lagu salaynayo tirada toddobaadyada uurkaaga aad ahayd iyo/ama taariikhda aad filayso in aad dhasho haddii aad uurkaaga sii wadato.

  • Ma u baahannahay antibiyootik?

    Maaddaama aad xubin ka tahay Ururka Federaalka ilmo iska soo rididda ee Qaranka, waxaan raacnaa tilmaamaha xeerarka caafimaad ee daryeelka ilmaha soo rididda. Ma jiro cilmi wanaagsan oo muujinaya in antibiyootiga ay waxtar leeyihiin kahor ilmo soo rididda daawada la adeegsado. Anaga oo ku saleynayno waayo-aragnimadayada antibiyootiga waxay u badan tahay inay keenaan caabuqa khamiirka siilka halkii ay keeni lahaayeen faa’iido kasta oo dawooyinka ilmo iska soo rididda.

  • Noocee ah daawooyinka ka hortagga bararka ee aan badbaado u ahayn ilmo soo rididda daawada?

    Kaniinka ilmo iska soo rididku wuxuu xannibi karaa daawooyinka ka hortagga bararka, markaa waxaa laga yaabaa inaanay ammaan u noqon dadka u baahan kaniinnada ka hortagga bararka ama tallaalada in ka badan 5 maalmood bishii arrimo caafimaad oo waqti dheer ah. Tusaalooyinka waxaa ka mid ah prednisone-ka, prednisolone-ka, ama Solu-Medrol-ka. Tan KUMA jiraan dawooyinka la nuugo, boomaatada ama kiriimyada. La xiriir dhakhtarkaaga caadiga ah ama eeg boggeena macluumaadka haddii aanad hubin in tani adiga ku khusayso iyo in kale.

  • Waxaan qaataa asbiriinka. Ammaan ma tahay in la sameeyo ilmo iska soo rididda ​​daawada la adeegsado?

    Waa ammaan in la qaato qiyaas yar oo ah 81mg kaniinka asbiriinka – asbiriinka aka baby – hal mar maalintii oo aad weli isticmaalaayo kaniiniga ilmo soo rididda. Haddii aad qaadanayso qiyaas sare oo ah 325mg oo ah kaniinka asbiriinka madaama uu dhaktarkaagu kugula taliyay waxaanu ka codsanaynaa inaad u raadsato daryeel qof ahaan iyo/ama aad kala hadasho dhakhtarkaaga caadiga ah.

  • Waa maxay kuwa dhiiga khafiifiya?

    Daawooyinka dhiiga khafiifiya waxa lasiiyaa dadka uu xinjirroowga dhiiga uu ku dhacay ama qabaay xaalad ka dhigaysa in ay aad ugu dhawadaan in dhiigoodu xinjirroobo. Daawooyinkan dhakhtar qoray waxaa ka mid ah coumadin (Warfarin), apixaban (Eliquis) iyo rivaroxaban (Xarelto). Badqab ma aha inaad qaadatid daawooyin ilmo iska soo ridid, haddii aad qaadato daawooyinka ka hortaga xinjir abuurka; waa in aad qalliin gasho badalkeeda. Fadlan la xiriir dhakhtarkaaga caadiga ah ama eeg boggeena macluumaadka si aad u eegto fursadaha kale haddii aanad hubin in aad qaadatay dhiig khafiifiye iyo in kale.

  • Waxaan qabaa dhiig-yaraan. Taasi amaan ma tahay?

    Dhiig-yaraan – ama heerarka dhiigga oo hooseeya – waa mid aad u badan sababtoo ah dhiig-baxa caadadaada waqti ka dib. Dhiig-yarida iron-ka – iyo sidoo kale dhiig-yarida kala go’a dhiiga ama dhiig-yarida sifada unugga kala go’a – Inta badan ma aha walaac weyn oo badbaado oo ku saabsan ilmo soo rididda daawada haddii aadan qabin dawakh ama haddii aad u baahato dhiig ama in lagugu shubo iron-ka.

  • Maxaad uga jeedaa cilladaha dhiig-baxa?

    Cilladaha dhiigbaxa ee laga yaabo inayna badbaado u noqon karin dawada ilmo iska soo rididda waxaa ka mid ah cudurka Von Willebrand, hemophilia-ga, iyo trombocytopenia-ka (xinjirroowga hoose). Haddii aadan hubin inaad qabto cillad dhiig-baxa fadlan la xiriir dhakhtarkaaga caadiga ah ama eeg boggeena macluumaadka doorashooyinka daryeelka qof ahaaneed. Dhiig-yaridu ma aha jirro keenta dhiig-bax.

  • Waa maxay IUD?

    Qalabka ka hortagga uurka (IUD) waa qalab balaastig ah oo leh qaab-T oo uu geliyo bixiyaha caafimaadka ilmo-galeenka si looga hortago uurka. Hadii hada lagu geliyay IUD ama mid hore lagu geliyay laakin aan laga so saarin, waxaa laga yaabaa inaad khatar sare ugu jirto inaad la kulanto uur ka dhaca banaanka ilmo galeeenka.

  • Waa maxay Cudurka bararka miskaha?

    Cudurka bararka miskaha waa caabuq ku dhaca ilmo-galeenka, ugxan-sidaha iyo/ama tuubooyinka ugxan-sidaha ee inta badan ay sababaan cudurrada galmada lagu kala qaado. Haddii aad hore u martay PID waxay kordhinaysaa halista uur qaadista meel ka baxsan ilmo-galeenka.

  • Waa maxay uur qaadista meel ka baxsan ilmo-galeenka?

    Urarka uur ka qaadista meel ka baxsan ilmo-galeenka waa kuwa ka dhaca meel ka baxsan ilmo-galeenka, inta badanna ku dhaca tuubooyinka ilmagaleenka. Urarka uur ka qaadista meel ka baxsan ilmo-galeenka waa naadir, laakiin in aad hore u martay uur ka qaadista meel ka baxsan ilmo-galeenka waxay kordhinaysaa halista dhacdooyinka mustaqbalka. Waxay noqon kartaa xaalad degdeg ah oo caafimaad.

  • Waa maxay NSAID-yada?

    Waxaan u isticmaalnaa qiyaasta sare ee ibuprofen-ka (Motrin-ka, Advil-ka), oo ah nooc ka mid ah NSAID (daawoyinka ka hortagga bararka ee aan steroid ahayn), si loo xakameeyo xanuunka. Tusaalooyinka kale ee NSAID-yada waxaa ka mid ah naproxen-ka (Naprosyn-ka), asbiriinka, nabumetone-ka (Relafen-ka) iyo meloxicam-ka (Mobic-ka). Haddii aad xasaasiyad ku leedahay NSAID-yada ama ibuprofen-ka ma hayno dawo xanuun baabi’iye kale oo aanu ku siin karno. Waxaa laga yaabaa inaad weli ilmo iska soo riddo daawada laakiin waa inay ka tirsantahay bixiye kale.

  • Miyaan u baahannahay tallaalka Rhogam-ka?

    Baaritaanka Rh ee loogu talagalay in lagu go’aamiyo nooca dhiigga aan loo baahnayn ka hor inta aan la samaynin ilmo soo rididda wax ka yar 12 toddobaad. Waxa jira cilmi aad u wanaagsan oo muujinaya in aanay caafimaad ahaan lagama maarmaan ahayn in la qaato tallaalka Rhogam-ka (dadka qaba nooca dhiigga aan lahayn Rh-ka) ka hor ilmo iska soo rididda saddexda bilood ee ugu horreeya.

  • Goorma ayaan samayn karaa galmada caadiga ah?

    Ma jiraan xayiraad saaran samaynta howlaha. Waxaad samayn kartaa galmo mar kasta oo aad dareento inaad diyaar u tahay.

  • Goorma ayay caadadaydu soo laaban doontaa?

    Waxay qaadan kartaa waqti walbo laga billaabo 4 usbuuc ilaa 4 bilood in caadadaadu ku soo noqoto jadwal la saadaalin karo. Inta badan, caadada ugu horreysa ka dib ilmo soo rididda daawada waxay noqon kartaa mid culus oo xinjirro yimadaan. Kuma talineyno isticmaalka raadraaca ugxan-sidaha habkaaga koowaad ee ka hortagga uurka ilaa aay kaso marto ugu yaraan 2 bilood oo wareegyo la saadaalin karo.

  • Maxaad ula jeedaa dhibaatooyinka hoormoonnada?

    Kaniinka ilmo iska soo rididku wuxuu saameyn karaa daawaynta qaar ee xaaladaha naadirka ee halista ah. Fadlan ha isticmaalin adeeggayaga haddii aad cillad ku qabto sifaynta ama aad leedahay cillad hoormoonada. Haddii aadan garanayn inaad leedahay xaaladahan naadir ah, fadlan weydii dhakhtarkaaga caadiga ah ama eeg boggeena macluumaadka ikhtiyaarrada kale ee daryeelka. Dhagxaanta kelyaha ama caabuqyada kelyaha ee hore ma aha wax laga walaaco markan.

  • Waa maxay porphyria-ka?

    Porphyria-ka waa nooc naadir ah oo ah cudurada beerka oo saameeya maqaarka iyo habdhiska dareenka. Badbaado ma aha inaad isticmaasho kaniiniyada ilmo iska soo rididda haddii aad qabto porphyria-ka; waa in aad iska soo ridda adiga oo maraaya nidaamyada iska so riditaanka ilmaha. Haddii aadan hubin inaad qabtid porphyria-ka, fadlan la xiriir dhakhtarkaaga caadiga ah ama eeg boggeena macluumaadka ikhtiyaarrada kale.

  • Ma u baahannahay mashiinka qaada sawirada gudaha jidhka?

    Dadka intooda badan uma baahna mashiinka qaada sawirada gudaha jidhka. Laakiin waxaanu kula talinaynaa bukaanada leh khatarta korodhka ah ee uurka ectopic-ga (uurka ka baxsan ilmo-galeenka) ama laga yaabo in ay uur leeyihiin in ka badan inta aan si badbaado leh ugu maarayn karno nidaamyadeena. Haddii aad u baahato mashiinka qaada sawirada gudaha jidhka, waxaanu ka codsanaynaa inaad daryeel u raadsato bixiye kale oo ilmo iska soo ridid ah oo badbaado ah.

Daryeelka ka dib

  • Daawooyinkee ayaan isla qaadan karaa?

    Daawooyinka xanuunka baabi’iya midba midka kale lama falgalo ama lama falgalaan daawooyinka ku jira xirmadaada. Waay nabdoon tahay in la isla isticmaalo. Mifepristone-ka iyo misoprostol-ka si kastaba ha ahaatee waa inaan isku mar la qaadan. Fadlan sug 24 saacadood ka dib markaad ka qaadato mifepristone-ka sanduuqa yar ka hor inta aanad isticmaalin misprostol-ka (daawoyinka la muusmuusto). Tan waxaa loola jeedaa in la hubiyo in kaniiniga ilmo soo rididda uu shaqeeyay marka hore.

  • Maxaa layga rabaa in aan raadiyo?

    Ma tihid. Ilmo soo rididda dawooyinka hore waxaa loo maleeyaa oo la dareemaa sidii caadada culus oo mararka qaarkoodna waxaa la dareemaa xanuunka caadada dhexdhexaadka ah/fudud.

  • Goorma ayaan isticmaali karaa maareeyaha caadada?

    Waxaan ka codsaneynaa bukaanada inay isticmaalaan suufka waxyaabaha so dariso reebo kaliya maalmaha ugu horreeya si ay uga caawiyaan la socodka inta uu le’eg yahay dhiigbaxa. Waa ammaan inaad u beddesho maareeyaha caadada marka dhiigbaxaagu sii fududaado. Haddii dhiig-baxa uu si joogto ah mid yar u ahaa (sida uurka hore ee ka yar 6 toddobaad), maareeyaha caadada way fiican tahay in la isticmaalo.

  • Ilaa intee ayaan dhiig bixi karaa?

    Waxaa jira xadi aad u ballaran oo dhiig-bax caadi ah: meel kasta laga bilaabo afar maalmood ilaa 4 toddobaad oo fasax ah oo socda waa caadi oo la filayaa.

  • Ma isticmaali karaa wareegga labaad ee misoprostol-ka?

    Dadka intooda ugu badan ee ka yar 9 usbuuc caadadooda ugu danbeysa uma baahna qiyaasta labaad ee misoprostol-ka. Waa inaad isticmaashaa qiyaasta labaad haddii aanad lahayn haba yaraatee wax dhiig ah oo ka socdo 24 saacadood oo buuxda. Haddii aad qabto calaamadaha dhiigbaxa ah uma baahnid qiyaasta labaad, laakiin fadlan kaydso si aad u isticmaasho haddii ay dhacdo in shaqaalaheennu ay kugula taliyaan inaad mar dambe isticmaasho. Qaadashada afar kaniin oo kale oo misoprostol-ka ah marka aan loo baahnayn waxay u horseedi kartaa waxyeelo aan wanaagsanayn. Haddii aad u dhexeyso 9 usbuuc iyo 11 usbuuc laga soo bilaabo caadadii ugu dambeysay ee ilmo iska soo rididda, fadlan qaado labada qiyaasood ee misoprostol-ka ah muddo afar saacadood ah, xitaa haddii aad horeba u dhiigbaxday. MA habboona in la qaato qiyaasta labaad ee misoprostol si loo helo baaritaanka ah in aad uur tahay hadhow. Tani ma aha sida daawadu u shaqeyso. Haddii lagaa baadho oo laga helo uur wax ka badan 4 toddobaad ka dib fadlan na soo wac. HA qaadan qiyaasta labaad ee misoprostol-ka.

  • Baaritaanka uurkeyga weli waa mid tilmaameeyso in aan uur leeyahay. Maxaan sameeyaa?

    Tijaabooyinkeenna heerka-caafimaad ee uurka waxay isu beddeli doonaan kuwp tilmaama in aad uur ahayn 4 toddobaad qiyaastii 90% bukaannada. Haddii baaritaanka xirmadaada ku soo galay uu muujinayo laba sadar na soo wac si aan dib ugu eegno calaamadahaaga. HA qaadin tijaabada xirmadaada ilaa ay kaga so dhacdo qoraalkayaga dabagalka; waa mid wakhti ku salaysan shixnadda iyo marka aad qaadatay mifepristone-ka. Samaynta baaritaanka wakhti hore waxa ay muujin doontaa natiijo aan sax ahayn. Ku bixitaanka kulaylka ba’an ee gaadiidka inta lagu jiro xagaaga ayaa laga yaabaa inay ka dhigaan tijaabooyinka xirmadaada inaysan haba yaraatee wax sadarro ah muujinin. Waa caadi inaad na soo wacdo si aan dib u eegno haddii ay tani dhacdo. Tijaabada uurka ee guriga waxay qaadan kartaa 6 toddobaad si ay u noqdaan mid muujiso uur in aad ahayn, xitaa haddii wax walba ay shaqeeyeen. Waqtigu waa inuu la xiriiraa muddada ay hormoonnada ku qaadanayso inay dhiiggaaga nadiifiyaan. Habka ugu fiican ee lagu saadaaliyo in dawooyinku ay shaqeeyeen waa dhiig-baxa/xanuunka/xinjirrada so baxaaya iyo in calaamadaha uurkaagu ay dhammaanayaan 4 maalmood gudahooda markaad qaadato kaniinka ilmo iska soo rididda ee mifepristone-ka.

  • Ma dhiig bax igu filan ayaan dhiig baxayaa?

    Waxaa jira xadi aad u ballaaran oo ah dhiig-bax caadiga ah ka dib qaadashada daawooyinka. In kasta dhiig-baxa ugu cuslaa uu caadi ahaan yahay 1-2 maalmood ee ugu horreeya, dadka isku mid ma aha oo wey kala duwan yihiin. Dad badan ayaa kaliya la kulmi doona dhiig-bax fudud inta howsha socoto oo dhan. Taasi waa wax caadi ah. Haddii aad leedahay calaamadaha uurka haba yaraatee sida lallabbo ama naasaha oo jilicsan/ laabta oo jilicsan, taasi waa inay soo dhamataa ilaa 4 maalmood kaddib.

  • Sidee dhiig-baxaygu noqonayaa?

    Waxaa jira xad aad u ballaaran oo kala duwan oo dhiigbax ah oo ay keento daawada ilmo soo rididda. Ma raacayso qaab sax ah waxayna ku xiran tahay inta aad uurka leedahay. Maalmaha ugu horreeya waxa aad la kulmi kartaa xinjirro aad u culus. Waa wax iska caadi ah oo la filayo in dadku ay dhiig baxaan oo dhiiga uu ka joogsado ilaa dhowr toddobaad ka dib qaadasha daawada ilmo soo rididda. Dhiigbaxa waxa uu u dhaxayn kara xinjirro yar ila xinjirro waaweyn. Waxay noqon kartaa casaan dhalaalaya, madoow buuni ah, shibiq shibiq ah, khafiif ah, ama wax kasta oo u dhexeeya. Waxaa laga yaabaa inuu billaabmo oo joogsado ama waxaa laga yaabaa in aad isku aragto dhiig-bax maalmo badan oo xiriir ah. Waxaasi oo dhan waa caadi. Marba hadii aanu dhiigaagu qoynaynin 2 taambooni saacaddiiba in ka badan 2 saac oo isku xigta, dhiig-baxaagu waa caadi.