Skip to content

Shuruudaha & amp; Shuruucda

SHURUUDAHA ISTICMAALKA

Waxaa markii u dambeysay ee la cusboonaysiiyay Juun 16, 2021

Waad ku mahadsan tahay inaad xulatay inaad adeegyo ka hesho IGH PLLC, oo ku howlgasho magaca Abortion on Demand ama AOD (“Abortion on Demand”, “AOD”, “annaga”, “innaga”, “keena”). Shuruudaha Isticmaalku waxay ka dhigan yihiin heshiis sharci ah oo ka dhaxeeya adiga iyo AOD oo khuseeya gelitaankaaga iyo isticmaalkaaga Websaydka iyo Adeegyada lagu bixiyo. Waxaad ogolaatay in markaad gasho Websaydka, aad akhriday, fahantay, oo aad ogolaatay inaad u hogaansanto dhammaan Shuruudaha Isticmaalka. HADDII AADAN KU RAACSANAYN DHAMMAAN SHURUUDAHA ISTICMAALKA, MARKAAS WAXAA KAA MAMNUUC AH ISTICMAALKA WEBSAYDHKA, WAANA INAAD ISLA MARKIIBA JOOJISAA ISTICMAALKA.

Shuruudaha iyo shuruucda dheeraadka ah ama dukumeentiyada lagu dhejin karo Websaydhka wakhti kasta waxay qayb ka yihiin shuruudaha isticmaalka. Waxaan xaq u leenahay, go’aankayaga ah, inaan isbeddel ku samayno ama wax ka bedelno Shuruudaha Isticmaalka wakhti kasta sabab kasta ha ahaatee. Waan kugu soo wargelin doonaa wixii isbeddelo ah oo aanu samayno annagoo cusboonaysiinnayna taariikhda qaybta “Cusbooneysiintii ugu dambeysay” ee Shuruudaha Isticmaalka, waxaadna ka tanaasulaysaa xuquuq kasta oo aad ku heli lahayd ogeysiis toos oo ku aadan isbeddelkaas. Waxaa lagu dabaqi doonaa shuruucdaas, waxaana loo aqoonsan doonaa inaad ka warqabto oo aad aqbashay, isbeddelada Shuruudaha Isticmaalka ee dib loo eegay adigoo sii wadaya isticmaalkaaga shabakada ka dib marka la soo galiyo taariikhda Shuruudaha Isticmaalka ee dib loo eegay.

Macluumaadka ku jira Websaydka looguma talagalin in loo qaybiyo ama uu isticmaalo qof ama hay’ad kasta oo dhul ama waddan kasta ku sugan, halkaas oo qaybinta ama isticmaalka noocaas ahi ay ka soo horjeedo sharciga ama qaanuunka waddaankaasi. Sida ku qeexan Siyaasaddayada Asturnanta, waxaan xaq u leenahay inaan u diidno Adeegyada gaarka ah qof kasta oo aan ka shakino inuu jabinayo shuruucdaasi ee ku sugan dhul ama waddan noocaasi ah. Sidaas awgeed, dadka doorta inay websaydka ka galaan meelo kale iyaga ayaa masuul ka ah u hoggaansanaanta sharciyada maxalliga ah, haddii iyo ilaa xadka sharciyada maxalliga ah ee lagu dabaqi karo. 

Markaad isticmaaleyso Websaydka, ama aad galayso Adeegyada, waxaad qiraysa oo aad dammaanad qaadaysaa in: (1) aad leedahay awood sharci oo aad ogolaatay inaad u hogaansanto Shuruudaha Isticmaalka; (2) aad jirto ugu yaraan 18 sano; (3) aadan websaydka ku soo galin nidaam otomatic ah ama hab aan qaab bini’aadam ahayn, ha ahaato aaladaha casriga ee bot, script, ama si kale; (4) aadan websaydka u isticmaali doonin ujeedo kasta oo sharci darro ah ama aan la ogalayn; iyo (5) isticmaalkaaga websaydka uusan jabin doono sharciga ama xeer kasta oo khuseeya. 

Haddii aad bixiso macluumaad been ah, aan sax ahayn, aan hadda ahayn, ama aan dhammaystirnayn, waxaan xaq u leenahay inaan diidno mid kasta iyo dhammaan isticmaalka hadda ama mustaqbalka ee Websaydka iyo Adeegyada la xidhiidha. 

Waxaa inaadan websaydka u gelin ama aadan u isticmaalin ujeedo kasta oo aan ka ahayn tan aan ugu tala galnay Websaydka. Ka isticmaale ahaan, waxaad ogolaatay inaadan:

– bixinin macluumaad been abuur ah, aan is waafaqsanayn, ama aan sax ahayn

– qabsan wax ka badan hal ballan isla hal wakhti

– isku dayin in aad wax badan samayso ama isku daydo ka dib markii lagula taliyay in aad raadsato ilo kale

– dib u qaybin dawooyinka dhakhtarku qoray

– adeegsan VPN (oo ah adeeg badelaya goobta aad websaydhka ka soo galeyso) si aad isku daydo in aad hareer marto sharciyada deegaanka

– duubin wada-hadallada muqaal arraga ah iyo kuwa taleefoonka ah ee xubnaha shaqaalaheena

– samayn hadallo hanjabaad ama cabsi galin ah 

Waxaan xaq u leenahay in aanu diidno isticmaalka Adeegyada haddii hawlahan laga shakiyo in ay jiraan iyo in aan tallabo sharci ka qaadno kuwa kuwaas sharciga jabinaya.

In si kale loo qeexo mooyaane, Websaydku waa hantidayada gaarka ah iyo dhammaan macluumaadka ku jira, shaqeynta, software-ka, naqshadeynta, maqalka, muuqaalka, qoraalka, sawirada iyo sawirada websaydka (guud ahaan loo yaqaan, “Nuxurka”) iyo calaamadaha adeegga iyo astaamaha ku jira (“Astaamaha”) anaga ayaa iska leh ama maamula ama shatiga leh, waxaana ilaalinaya shuruucda daabacaadda iyo sharciyada ganacsiga iyo xuquuqaha kale ee hantida hal-abuurka iyo sharciyada loolanka aan caddaalad ahayn ee Maraykanka, sharciyada caalamiga ah ee xuquuqda daabacaadda, iyo heshiisyada caalamiga ah. Nuxurka iyo Astaamaha waxaay Websaydka ugu jiraan “SIDA AY YIHIIN” si laguu ogeysiiyo iyo isticmaalka shakhsi ahaaneed oo keliya. 

Waxaan xaq iyo awood u leenahay, laakiin waajibka ma aha, inaan: (1) la socono websaydka sababo la xidhiidha xadgudubyada Shuruudaha Isticmaalka; (2) qaadida tallaabo sharci ah oo ku habboon qof kasta oo ku xadgudba sharciga ama Shuruudaha Isticmaalka; iyo (3) haddii kale loo maareeyo Websaydka qaab loogu talagalay in lagu ilaaliyo xuquuqdeena iyo hantideena iyo si loo fududeeyo in si sax ah u shaqeeyaan Websaydka iyo Adeegyada.

Shuruudaha Isticmaalku waxay ahaan doonaan kuwo si buuxda u dhaqan gala inta aad isticmaalayso Websaydka iyo adeegyada. IYADOO AAN LAGU XADGUDBAYN WAXYAABAHA KALE EE SHURUUDAHA ISTICMAALKAN, WAXAAN XAQ U LEENAHAY, INAGA OO AANAN OGEYSIIN DIRIN IN AAN, U DIIDNO GELITAANKA IYO ISTICMAALKA WEBSAYDKA (OO AY KU JIRTO XANNIBIDO IP ADDRESS-YO GAAR AH), QOF KASTA IYO SABAB KASTA OO XADIDNAYN HADDII LA JABIYO SHURUUDAHA ISTICMAALKA AMA SHARCIYADA IYO XEERARKA KHUSEEYA. 

Haddii aan joojinno gelitaankaaga ku aadan Adeegyada, waxaa lagaa mamnuucay inaad iska diiwaan geliso oo aad samaysato akoon cusub oo hoos yimaada magacaaga, magac been abuur ah ama magac qof kale ama magaca qolo kasta oo gacan saddexaad ah, xataa haddii aad wakiil ka tahay qolo cid saddexaad ah. Marka laga soo tago joojinta gelitaankaaga Adeegyada, waxaan xaq u leenahay inaan qaadno tallaabo sharci ah oo ku habboon, oo ay ku jirto iyada oo aan xaddidnayn qaadista tallaabooyin sharci ah, oo ay ka mid yihiin iyadoo aanan xadidnayn, oogista dacwad madani, dembi iyo joojin fal oo ka soo baxay maxkamad.

Waxaan xaq u leenahay inaan bedelno, wax ka beddelno ama ka saarno waxyaabaha ku jira Websaydka wakhti kasta ama sabab kasta ha ahaateee taas oo go’aankayaga aan ogeysiiska lahayn. Waxaan xaq u leenahay inaan wax ka beddelno ama joojino dhammaan ama qayb ka mid ah Websaydka ogeysiis la’aan wakhti kasta ha ahaatee, waa marka samaynta sidaasi aysan carqalad galinayn bixinta daryeekal caafimaad oo ku habboon bukaannada hore u sii jira.

Ma dammaanad qaadi karno in Websaydka uu diyaar ahaado mar walba. Waxaa laga yaabaa inaan wajahno caqabado dhanka agabyada ah, software-ka ama dhibaatooyin kale ama aan u baahano inaan sameyno dayactir la xiriira Websaydka, taasoo keeni karta hakad, dib u dhac ama cillad. 

 

Shuruudahan waxaa lagu maamuli doonaa oo lagu dabaqi doonaa iyadoo la raacayo sharciyada gobolka Washington iyo oggolaanshahaaga aan la bedeli karin ee qeexaya in maxkamadaha gobolka Washington ay yeelan doonaan awood gaar ah si ay u xalliyaan khilaaf kasta oo ka dhasha Shuruudahan.

Waxaa jiri kara macluumaad ku jira websaydkan oo ay ku jiraan khaladaad qoraaleed, macluumaad aan sax ahayn, ama macluumaad maqan, oo ay ku jiraan sharraxaadda, qiimaha, helitaanka iyo macluumaad kale oo kala duwan. Waxaan xaq u leenahay inaan saxno wixi khaldan, macluumaadka aan saxda ahayn, sidoo kale baddelno ama cusbooneysiinno Websaydka waqti kasta, iyada oo aan ogaysiis hore la bixineyn. 

Booqashada Websaydka, soo diridda iimaylada, iyo buuxinta foomamka onlaynk ah ayaa qayb ka ah isgaarsiinta elegtaroonig ah. Waxaad ogolaatay inaad hesho isgaarsiinta elektaroonigga ah, waxaadna ogolaatay in dhammaan heshiisyada, ogeysiisyada, shaacinada, iyo isgaarsiinta kale aan kugu siinno hab elektaroonig ah, iimayl iyo Websaydka, taas oo qeexaysa in habkaas isgaarsineed sharci ahaan la rabo in uu yahay mid qoraal ah. WAXAAD HALKAN KU OGGOLAATAY ISTICMAALKA SAXIIXA ELECTRONIGA AH EE DABAQAYA QANDARAASYADA, DALABYADA, IYO DIIWAANKA KALE, IYO GUDBIN ELECTRONIC AH EE OGAYSIISYADA, SIYAASADAHA, IYO DIIWAANKA HAWLAHA INNAGA NAGA YIMID AMA SAMEYNEY INNAGOO U MAREYNA WEBSAYDHKA.

Shuruudaha Isticmaalka iyo siyaasad kasta ama shuruucyada kasta oo hawlaha oo aan ku qornay websaydka ama marka la eego websaydka ayaa ka dhigan in ay yihiin heshiiska dhammaystiran ee ka dhaxeeyo adiga iyo innaga. Haddi aan ku guuldarraysanno inaan fulinno ama dhaqan gelinno xuquuq kasta ama bixinta Shuruudahan Isticmaalka taasi macnaheedu ma ahan in aan ka tanaasulnay isticmaalka xuquuqdaaas ama bixintaa. Shuruudahan Isticmaalku ayaa si buuxda loo adeegsanayaa ilaa inta sharciga ogol yahay. Waxa laga yaabaa in aanu wakhti kasta aan xuquuqdaan iyo waajibaadkan ku wareejinno shakhsiyaad ama ururro kale. Mas’uul kama noqon doono noo lama na soo raacan karo wixii khasaare ah, waxyeello ah, dib-u-dhac ama fashil ee ka dhashay xaaladu aanu maarayn kari weynay. Haddii wax ka mid ah Shuruudaha Isticmaalka la ogaado inay yihiin sharci darro, waxba kama jirin, ama aan la dhaqangelin karin, waa laga saarayaa heshiiska, mana saameyn doono ansaxnimo ama dhaqan gelinta sharciyada kale ee soo haray. Ma jiro xidhiidh ganacsi, iskaashi, shaqo ama wakaalad oo adiga iyo inanga naga dhaxeeya oo ka dhashay Shuruudahan Isticmaalka ama isticmaalka Websaydka. Waxaad ogolaatay in Shuruudaha Isticmaalka aan loo fasirin fasiri hab adiga kugu habboon ama waxyeello u geysanaysa websaydka oo waan in si sax oo cadaalad ku salaysan loo turjumaa. Waxaad halkan ku oggolaatay inaad ka tanaasusho xaqa aad u leedahay wax kasta iyo dhammaan waxyaabaha is-difaacidda aad yeelan karto iyadoo lagu salaynayo qaabka eletrooniga ah ee Shuruudaha Isticmaalka ku qoran yihiin iyo saxiix la’aanta dhinacyada halkan ku xusan si loo fuliyo Shuruudaha Isticmaalka.