Skip to content

Su'aalaha saacadaha shaqada kaddib

Two people leaning against a big question mark
Video: How does medication abortion work?
Play Video about Video: How does medication abortion work?

Tani waa su’aasha ugu badan ee aan helno. Waxaa jira farqi aad u ballaaran oo u dhaxeeyo qaababka dhiigbaxa caadiga ah iyo cadadka dhiigbaxa ka dib qaadashada daawooyinka. In kasta oo dhiigbaxa aadka u daran uu caadi ahaan socda 1-2 maalmood ee ugu horreeya, isku mid ma aha qof kasta oo way kala duwan yihiin. Dad badan ayaa yeelan kara dhiig-bax fudud oo si joogta ah u socda/marmar imaado. Dhiigbaxa waxaa laga yaabaa inuusan raacin qaab joogto ah. Taasi waa wax gebi ahaanba caadi ah. 

Dadka badan oo ku sugan xilliga xaaladaha hore ee uurka ayaa ina soo booqda marar badan. Fadlan ogow dad badan oo leh uur 5 toddobaad ama wax ka yar ayaa laga yaabaa inay yeeshaan dhiig-bax yar. Taasi waa caadi ah, badanaa dhaco, oo la filayo.

Waxaan muddada uu yahay uurkaaga ku go’aamineynaa maalinta ugu horeysa ee caadadaada ugu dambeysa, ma aha maalinta aad uur yeelatay. Waxaad isticmaali kartaa qalabkayaga xisaabiyaha uurka si aad u ogaato inta toddobaad oo uurkaagu yahay.

Isticmaalka daawada ilmo iska soo rididdada aad bay ammaan u tahay oo waxtar u leh uurka illaa 11 toddobaad laga bilaabo maalinta ugu horreysa ee caadadda ugu dambeysa. Haddii uurkaagu ka badan yahay 9 toddobaad markaad qaadato daawada mifepristone (kiniiniga ilmo soo rididda ee xidhmada ku jirta) waxaad u baahan doontaa inaad qaadato labada qiyaasood oo misoprostol ah.

HAA! Fadlan isticmaal afarta kiniin ee misoprostol xiitaa haddii aad hore u bilowdo dhiigbaxa. Bukaanno badan ayaa leh xoogaa dhiigbax ah inta u dhaxaysa isticmaalka mifepristone ee ku jira xidhmada yar iyo qaadashada misoprostol. Waa inaad weli isticmaashaa misoprostol. 

Midna daawooyinka ku jira xirmadaada ma laha wax faragalin ah oo ku aadan midka kale. Waa ammaan in la wada qaato hal mar. Xaaladda ugu weyn ee ka reeban waa sugitaanka 24-48 ka dib markaad qaadato mifepristone ku jira xidhmada yar ka hor inta aadan afarta kiniin ee misoprostol gelin dhabannadaada. 

Ma jiraan faragalin ama waxyeelo weyn oo ay leeyihiin daawooyinka ku jira xirmadaada iyo inta badan daawooyinka laguu qoro. Daawada lalabada ee ondansetron ayaa leh xoogaha faragalin yar ee ku aadan daawada walaaca ee caadiga ah iyo antibiyootiga. Laakin halista ay marka hore wajahayaan dadka caafimaadka qaba ee uurka leh iyo qiyaasta aan ku qornay maaha mid isku xidhan.

Ha la qaadan daawada ibuprofen noocyada kale ee isla daawada ibuprofen ah. Tan waxaa ku jira daawooyinka asbiriin-ka iyo dhammaan dawooyinka maaraynta xanuunka eeuu dhakhtarka qorin marka laga reebo Tylenol (acetaminophen); Waxa kale oo ka mid ah daawooyinka NSAIDs (naproxen, meloxicam, diclofenac, iyo indomethacin). Haddii aadan hubin in daawooyinkaaga maaraynta xanuunka laguu qoray aysan ku jirin qaybtan, fadlan la xidhiidh farmashiistahaaga ama dhakhtarkaaga caadiga ah.

Fadlan isticmaal daawada ondansetron ee loogu tala galay lallabada ee ku jirta xirmadaada ilaa 6dii saacadoodba mar. Haddii tani aysan wax ka qaban xaaladda lallabada, waxaad qaadan kartaa Benadryl (diphenhydramine) ilaa 50mg (2 kiniinyo). Benadryl waxaa laga heli karaa farmashiyada sida daawada xasaasiyadda oo waxay sababi kartaa hurdo badan. Noocyada dareeraha ee Benadryl ayaad qaadan kartaa haddii aadan liqi karin noocyada kaniiniga ah. Ha isticmaalin daawada Benadryl haddii aad qaadanayso dawooyinka lagu maareeyo walaaca, daawooyinka suuxdinta ama antibiyootiga la isticmaalo muddada dheer. Ha wadin baabuur ama ha ku shaqayn mishiin culus markaad isticmaalayso Benadryl. 

Lalabbo waa saameyn caadi ah oo ka dhadha isticmaalka misoprostol. Ilaa iyo inta misoprostol la galiyay dhabannadaada ugu yaraan 30 daqiiqo, wax walbaa waxay u shaqeynayaan sidii la filayay. Mataggu waa calaamad muujinaysa in daawadu si fiican u gashay jirka. Ma jirto sabab mar kale loo qaato kaniiniyada misoprostol matag ka dib ilaa inta ay dhabannada ku jiraan muddo 30 daqiiqo ah, xitaa haddii aanay si buuxda ugu milmin gudaha jirka.

Mifepristone – kaniiniga ilmo soo rididda ee ku jirta xidhmada yar – waxa loo baahan yahay inuu calooshaada ku jiro qiyaastii 60 daqiiqo si ay ugu milmaan jirka. Fadlan na soo wac haddii aad matagtay wax ka yar hal saac ka dib markaad qaadatay mifepristone. Haddii kale wax daawayn kale looma baahno in la qaato.

Fadlan ha ka waaban inaad qaadato kaniiniyada ka hortagga lalabo ee ku jira xirmadaada. Waxaad qaadan kartaa Benadryl (diphenhydramine) si ay kaaga caawiso inay yarayso lallabada caloosha oo kaa caawiso inaad ka seexato xitaa haddi aad wajahayso wax casiirad ah. Ha wadin baabuur marka aad qaadanayso dawada farmashiyada laga iibsado sababtoo ah waxay kuu keeni karaan hurdo badan.

Baadhitaanka uurka ee guriga lagu sameeyo wuxuu qaadan karaa ilaa 6 toddobaad inay muujiyaan in aysan wax uur ah jirin ka dib marka qofka sameeyo ilmo soo rididda. Tani waa sababta oo ah baadhitaanka uurka ee guriga la sameeyo waxa ay muujin karaa hoormoonka oo aad u hooseeya, jidhkaagana wuxuu qaadanayaa wakhti si uu meesha uga saaro hoormoonka uurka la xidhiidho. Fadlan HA samayn baadhitaanka uurka ilaa aad qoraal xusuusin aad hesho oo muujinayso inaad sameyso. 

Waxaan ku weydiineynaa inaad sugto ugu yaraan 2 maalmood ama ilaa dhiigbaxaagu ka khafiifo ka hor intaadan isticmaalin tampons-ka. Tani waxay naga caawinaysaa inaanu ogaano inta uu le’eg yahay dhiigbaxaaga haddii aad naga soo wacdo oo nagu wargeliso in uu jiro dhiigbax aad u daran. Qalabka tampons-ka ma celiyaan dhiig badan waayna adag tahay in lala socdo.

Ma jiraan wax xaddidaad ah oo ku saabsan samaynta galmada ama dabaasha / qubayska ka dib qaadashada kiniinyada ilma iska soo rididdada.

Ilmo iska soo rididda isticmaalka daawada ee wax ka yar 8 toddobaad laga bilaabo xilliga caadadaadi ugu dambeeya waxay noqon doontaa ama u ekaan kartaa sidii dhiiga caadada dhexdhexaadka ah. Ma jiraan wax la raadiyo maadaama aysan jirin wax lagu aqoonsan karo. Dadka uurkoodu ka badan yahay 8 toddobaad waxay arki karaan unug la aqoonsan karo. Tani waxay inta badan ku xiran tahay xinjirowga dhiigga, kuwaas oo badana wax caadi ah. Dhiiga badanaa wuu xinjiroobaa markuu uusan dhaqdhaqaaqayn.

Wareegga labaad ee misoprostol lagama maarmaan uma aha bukaannada intooda badan. Qiyaasta labaad waxa ay faa’iido leedahay oo kaliya haddii aanad haba yaraatee wax dhiig ahi lahayn (xataa aadan arag) muddo 24 saacadood ka dib. Haddii aad wax shaki ah qabtid, na soo wac inta lagu jiro saacadaha shaqada ee caadiga ah si aan uga hadalno xaaladaada.

Kaliya bukaannada uurkooda ka badan yahay 9 toddobaad laga bilaabo caadadii ugu dambeysay waxaa lagu amray inay isticmaalaan qiyaasta labaad 4 saacadood ka dib. Isticmaal qalabkayaga xisaabiyaha uurka haddi aanad hubin muddada uurkaaga ku jiro ama yahay. Haddii aad martay baadhitaanada ultrasound-ka, kaliya ku kalsoonoow baadhitaanka ultrasound-ka.

Waxay qaadan kartaa wax u dhaxeeyo muddo laga bilaabo 4 toddobaad ilaa 4 bilood in caadadaadu ku soo noqoto jadwal la saadaalin karo. KUMA talineyno in ku tiirsanaato isticmaalka raadraaca ugxan-sidaha oo ah habkaaga koowaad ee ilaalinta dhalmada ilaa aad leedahay ugu yaraan 2 bilood oo wareeg caadeed oo la saadaalin karo. Waxaa suurtogal ah inaad mar kale uur yeelato ka hor caadaddaada soo socota iyo ka hor inta baadhitaanka uurkaagu muujin in aan uur jirin ama la helin.

Cadadaada xigta waxay iman kartaa laga bilaabo 2 toddobaad ilaa 2 bilood ka dib waxayna ku dhawaad had iyo jeer ka culus tahay sida caadiga ah, mararka qaarkood way darnaan kartaa. Taasi waa wax caadi ah oo iskeed ayay u dhammaan doonta.

Ma jiraan wax xannibaado oo ku aada cunto cunista ama cabbitaanka markaad isticmaaleyso mid ka mid ah daawooyinka ku jira xirmadaada. Waxaad wax u cuni kartaa oo cabbi kartaa sida caadiga ah.

Waa ammaan in la sii wado naasnuujinta marka la isticmaalayo daawooyinka, oo ay ku jiraan daawada mifepristone. Uma baahnid inaad joojiso naasnuujinta ama “isticaamlka bamka naaska ee caanaha naaska”. Naasnuujinta xilliga ilmo iska soo rididda waxay yarayn kartaa xaalada dhiigbaxaaga iyo wakhtiga soo kabashada.

Ma jiraan wax xaddidaad ah oo ku saabsan galmada ama hawlo kale. Waa wax caadi ah naad samayso galmo, jimicsi ama aad dabaalato haddii aad dareento. Fadlan isticmaal suufka nuuga dhiiga caadada maalmaha ugu horreeya oo keliya maxaa yeelay waxay kuu sahlaysaa in la ogaado inta uu le’eg yahay xaaladaha dhiigbaxaaga.